
Axad, Ogoosto 05, 2012 (HOL) — Shirkada Dahabshiil ayaa maanta oo Axad ah gaarsiisay deeq xoolo nool ah (Ari) bukaanada ku jira Isbitaalka guud ee magaalada Baladweyne.
Maareeyahay shirkada Dahabshiil ee gobollka Hiiraan Xaaji Cismaan Dhagaxow oo deeqdan ku wareejiyay Isbitaalka ayaa sheegay in guud ahan shirkada Dahabshiil ugu deeqday ilaa 20 Isbitaal ku yaala dalka Soomaaliya deeq gaareysa ilaa 500 oo neef oo Ari, taasoo qeyb ka ah gargaarka ay shirkadu ugu talagashay in ay dadku ku caawiso bisha bareykeysan ee Ramadaan.
"Isbitaalka guud ee gobollka Hiiraan waxaa uu ka mid ahaa isbitaalada loogu talagalay in deeqdan laga qeybiyo waxaana loogu talgalay in la gaarsiiyo bukaanka jiifa ilaa 30 neef oo Ari ah," ayuu yiri maareeyaha shirkada Dahabshiil.
Agaasimaha Isbitaalka Dr Xassan Cumar Siyaad oo deeqda ka guddoomay shirkada Dahabshiil ayaa siweyn uga mahad celiyay gargaarka ay soo gaarsiisay dadka jilicsan ee ku jira Isbitaalka oo uu sheegay in ay baahi weyn u qabaan waqtigan.
"Runtii waan uga mahad celineynaa shirka Dahabshiil gargaar ay mar walba siiso dadka dhibaateysan, gaar ahaan deeqdan ay hadda soo gaarsiiyeen isbitaalka guud ee gobolka," ayuu yiri Dr. Xassan Cumar.
Waxaa isla goobta loogu qeybiyay dadkii bukaan ahaa ee ku jira isbitaalka xoolihii ay soo gaarsiisay shirkada Dahabshiil, iyadoo dadkaasi loo eegay sida ay u sii kala liitaan, waxaana ay siweyn uga mahad celiyeen gargaar ay heleen.
"Aad ayaan ugu baahneyn deeqdan oo kale, waayo waxaa lagu jiraa bishii Ramadaan, anagana waxaan nahay dad bukaan ah oo jilicsan, waxaan leenahay shirkada Dahabshiil iyo maamulkeedaba waa ay mahadsan yihiin," ayay tiri haweenay ka mid ah dadkii helay deeqda.
Ma’aha markii ugu horeysay oo sidan oo kale deeq kala duwan ay gaarsiiso shirkada Dahabshiil dadka ku dhibaateysan gobolka guud ahaa, iyadoo marar badan deeq kala duwan gaarsiisay dad u baahnaa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya
Shirkada Dahabshiil oo deeq Xoolo nool ah gaarsiisay Bukaannada ku jira Isbitaalka guud ee Magaalada Baladweyne
More News
- Youtube: Qaybo ka tirsan jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota oo Cambaareeyey dilkii marxuum Marshaale (Daawo)
- Shirkii saxiixayaasha Roadmapka oo lagu soo gabagabeeyay goor dhow magaalada Nairobi
- Madaxweynaha Soomaaliya oo Muqdisho ku laabtay
- Xafalad Afur Iyo Casho Sharaf ah oo Magaalada London loogu sameeyey ciyaartoydii Iyo Wafdigii Olymbikada Soomaaliyeed
- Tartan Qur’aan aqris ah oo lagu soo gabgabeeyay magaalada Baladweyne
- Ciidamada AMISOM ee ku sugan Degmada Baydhabo oo la kordhiyay iyo Ciidamo weli lagu daad-gureynayo Degmadaas
- Qaraxa miino oo ay ku dhinteen kooxihii dhigayey miinada oo ka dhacay Degmada Huriwaa ee Gobolka Banaadir
- Kulan looga hadlayay dilalka loo geysto Wariyeyaasha iyo Fanaaniinta oo ka dhacay Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir
- Shirkado Gobolka Minnesota ee Waddanka Mareykanka kusoo bandhigay hab cusub oo lacagaha loogu xawilayo Soomaaliya
- Madaxweynaha Soomaaliya oo isaga baxay shirkii saxiixayaasha Roadmapka
- Xoogagga Al-shabaab oo xalay Weerar ku qaaday saldhigyo ay ciidamadda DKMG ah ku leeyihiin degmada Afgooye
- Dood-cilmiyeed ku saabsan mideynta Dhallinyarada oo lagu qabtay Magaalada Balad- weyne ee Xarunta Goblka Hiiraan
- Maareeyihii Garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo xalay la dilay iyo Dowladda KMG ah oo dilkiisa ku eedeysay Al-shabaab