4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 5 , 2012
Maareeyihii Garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo xalay la dilay iyo Dowladda KMG ah oo dilkiisa ku eedeysay Al-shabaab

Axad, Ogoosto 05, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa xalay ku dilay degmada Xamarweyne ee gobolka Baaadir maareeyihii garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, Ibraahim Imaam Xalane, iyadoo kooxaha dilka geystay ay u suurogashay inuu ka baxsadaan goobta.

Wasiirro iyo mas'uuliyiin maamulka goboka Banaadir oo ka hadlay dilka maareeyaha ayaa sheegay inay ka dambeysay Al-shabaab, laguna jiro howgallo la doonayo in lagu soo qabto kooxihii ka dambeeyay dilka maareeyaha garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

"Laba nin oo dhuudhuuban ayaa maareeyaha dilay, waxayna u baxsadeen dhinaca degmada Xamar-jajab, inkastoo rasaas laga daba-riday balse way baxsadeen," ayuu yiri guddoomiyaha degmada Xamarweyne, C/llaahi Sahal Gardhuub oo u hadlay saxaafadda.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in maareeyaha lagu dilay albaabka masaajid uu kasoo baxay, iyadoo dilkan uu noqonayo kii ugu horreeyay oo kooxaha dowladda kasoo horjeeda ay mas'uul sare ugu geystaan degmada Xamarweyne.

Mas'uuiyiinta dowadda waxay sheegeen in dad badan loo qabqabtay dilkaas ayna ku sameyn doonaan baaritaanno, waxaana dilkan uu imaanayaa iyadoo wasaarada arrimaha gudaha dowladda Soomaaliya ay sheegtay inay sugtay ammaanka Muqdisho.

Degmooyinka Xamarweyne iyo Xamarjajab ayaa waxaa saakay ka socda baaritaanno adag oo ay sameynayaan ciidamada dowladda, iyadoo halka lagu dilay maareeyaha ay dhowr boqol oo mitir u jirto madaxtooyada Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya