4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 5 , 2012
Madaxweynaha Soomaaliya oo Muqdisho ku laabtay


Axad, August 05, 2012(HOL): Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Shariif Sh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, iyadoo  si heer sare ah ay u soo dhaweeyeen masuuliyiin ka tirsan dowladda iyo shacabka ku nool magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa Muqdisho ku laabtay kaddib markii uu isaga soo baxay shirkii saxiixayaasha roadmap-ka uga socday magaalada Muqdisho sababo la xiriira is-qabad dhexmaray madaxweynaha iyo qaar ka mid ah saxiixayaasha.

Kummanaan dadweyne ah ayaa isugu soo baxay waddada Maka Al-Mukarama, kuwaas oo sitay Sawirka madaxweynaha, boorar waaweyn iyo dhar lagu sawiray muuqaalka iyo magaca madaxweynaha. Sidoo kale boqollaal dadweyne ah oosidoo kale sita boorarkaas oo kale ayuu madaxweynuhu ku gacan qaaday garoonka diyaaradaha ee Adde Cadde.


Shir jaraa’id oo uu ku qabtay Garoonka diyaaradaha ayuu madaxweynuhu uga warbixiyay kulankii uu la yeeshay xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Hillary Clinton, wuxuuna sheegay in mareykanku ay Soomaailya ugu hambalyeeyay horumarka ay ka sameysay dhinacyada siyaasadda, Ammaanka iyo bani’aadamnimada.

“Hillary Clinton waxaan ka wada hadalnay horumarka la gaaray iyo sida ay tahay in loo sii xoojiyo, dhinacyada amniga, siyaasadda, bani’aadamnimada iyo dhinaca arrimaha bulshada iyo Soomaaliya inay 20 sano kaddib ay noqtay meel nabad ah, arrintaasna mareykanku aad bay u taageereen” ayuu yiri madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.


Madaxweynaha ayaa intaa ku daray in saxiixayaasha Roadmap-ku ay kulan kale ku leeyihiin, magaalada Nairobi, kaas oo looga hadlayo dhammeystirka howsha qabyada ah, wuxuuna ka tacsiyeeyay dilkii loo geystay agaasimihii garoonka diyaaradaha ee Aadde Cadde oo kooxo hubeysan ay xalay ku toogteen magaalada Muqdisho.

Masuuliyiinta dowladda ee soo dhaweeyay madaxweynaha waxaa ka mid ah, ku simaha Ra’iisal Wasaaraha ahna wasiirka difaaca Xuseen Carab Ciise, wasiiru-dowlaha madaxtooyada C/raxiin Cabdi Abiikar, gudoomiyha gobolka Banaadir, Xilldhibaano iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir. Sidoo kale waxaa madxweynaha la socday Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka C/samad Macalin Maxamuud, wasiiru-dowlaha dastuurka Xasan Dheere iyo masuuliyiin kale.