4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 20, 2012
Hooyo iyo Aabbe Soomaaliyeed oo ku geeriyood shil baabuur oo ka dhacay Waqooyiga dalka Finland


Khamiis, September 20, 2012(HOL):Allaah ha u naxariistee waxaa shil baabuur ku geeriyoodey hooyo iyo aabe Soomaaliyeed halka wiilkooda oo laba sano jir ah iyo ninkii wadayna ay ku dhaawacmeen.

 

Goobta oo shilka ka dhacay ayaa waxaa markiiba gurmad deg-deg ah lasoo gaaray dadkii ka agdhawaa, wax yar ka dibna waxaa halkaas yimid hayadihii ku shaqada lahaa arimaha shilalka,haddii ay ahaan lahayd caafimaadka,dabdamiska iyo weliba booliska.

 

Shilkan ayaa waxaa uu ka dhacay magaalo ku taala waqooyiga Finland oo magaceeda layiraahdo ROVANIEMI. Gaariga shilka galay ayaa waxaa la sheegayaa inuu lahaa Aabaha Soomaaliyeed ee ku geeriyoodey shilka isaga oo fadhiyey xiligaas kursiga hore ee ninka baabuurka wada dhinaciisa.

 


Shilkan ayaa waxaa dadka degan Finland uu ku noqdey wax naxdinleh,sababta oo ah hooyada iyo aabaha ku geeriyoodey shilkan ayaa waxaa la sheegayaa inay lahaayeen afar caruur ah kuwaas oo ay dadka intiisa badan ku fekerayaan caruurtan noloshooda meesha ay ku danbayndoonto.

 

Booliska ayaa waxaa uu u mahadceliyey sida wanaagsan oo ay dadweynihii ka agdhawaa uga qayb qaateen badbaadinta dadka dhaawacmay iyo weliba nabadgelyada guud ee meesha uu shilka ka dhacay iyaga oo la arkayey si ay uka hagayaan baabuurta kale si uusan u imaan shilal dheeraad ah.

 

Dhacadadan ayaa ahayd mid ay si weyn uga hadleen jaraaidyada iyo taleefishinada wadanka Finland.

 

Cabdicasiis Goodax Barre

[email protected]

Helsinki Finland