Khamiis, September 20, 2012 (HOL) — Ugu yaraan saddex qof oo ay ku jirto haweeney uur leh ayaa ku dhintay hoobiyeyaal xalay lagu duqeeyay degmooyinka Boondheere iyo Shibbis ee gobolka Banaadir, waxaana duqeymahan ku dhaawacmay in ka badan 16-qof oo kale.
Hoobiyeyaashan oo aan la garaanyn halka ay ka yimaadeen ayaa waxay ku dhaceen guryo ay daggan yihiin dad shacab ah iyo kaam ku yaalla degmada Boondhere, halkaasoo ui ka dhashay khasaare fara badan.
"Kaamka aan dagganahay oo ku yaalla Boondheere waxaa kusoo dhacay hoobiyeyaal waxaa ku dhintay laba qof oo midkood dhiig bax u dhintay, waxaana ku dhaawacmay 16-qof oo kale oo ay ku jiraan hooyo iyo saddex caruur ah oo ay dhashay," ayuu yiri goobjooge ku sugnaa kaamka ay ku dhaceen hoobiyeyaasha qaarkood.
Dhaawacyada ka dhashay duqeynta ayaa qaarkood isla xalay la gaarsiiyay isbitaallada Keysaney oo ku yaalla duleedka Bari ee Muqdisho iyo isbitaalka Madiina oo ku yaalla dhinaca Koonfureed ee caasimadda. Iyadoo hoobiyeyaal ku dhacay degmada Shibbis ay ku dhimatay haweeneyda uurka leh.
Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay inay xalay lix mdafac ku weerareen madaxtooyada Soomaaliya, balse lama oga khasaaraha ay geysteen, iyadoo hoobiyeyaashii khasaaraha geystay ee ku dhacay degmooyinka Boondheere iyo Shibbis ay tiradoodu ahayd sideed hoobiye.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in madaafiicdu ay ka imaanaysay dhinaca Waqooyi ee Muqdisho halkaasoo ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, iyadoo sidoo kale uu iska-horimaad kooban ku dhexmaray xaafadda Carrafaat ee degmada Yaaqshiid ciidamada dowladda kuwa Midowga Afrika iyo kooxo hubeysan.
Lama oga in iskahorimaadkan iyo hoobiyeyaashu ay xiriir lahaayeen, balse arrimahan oo dhan ayaa waxay kusoo beegmayaa xilli uu madaxweynaha cusub ee Soomaaliya sheegay inay muhiimadda koowaad siinayaan sugidda ammaanka guud ee dalka.
Duqeymahan ayaa waxay argagax weyn geliyeen dadkii ku noolaa degmooyinka iyo kuwa ku dhow, waxaana ay noqonaysaa markii ugu horreysay oo duqeymo noocan oo kale ah ay ku dhacaan degmooyin Muqdisho saddexdii bilood ee ugu dambeeyay.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Hoobiyeyaal dhimasho iyo dhaawac geystay oo xalay lagu garaacay degmooyinka ka tirsan Magaalada Muqdisho
More News
- Faahfaahin ku saabsan qarax caawa fiidkii Muqdisho ka dhacay
- Dad badan oo ay ku jiraan wariyayaal caan ah oo ku dhintay qaraxii ka dhacay guriga hooyooyinka
- Labo Qarax oo khasaare nafeed geystay oo Muqdisho ka dhacay
- Hooyo iyo Aabbe Soomaaliyeed oo ku geeriyood shil baabuur oo ka dhacay Waqooyiga dalka Finland
- Madaxweynaha Soomaaliya oo Muqdisho kula kulmay Danjirayaal ka socday dalalka daneeyaha Arrimaha Soomaaliya
- Khilaaf ka dhashay isku-haynta xilalka Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland iyo Guddoomiyaha Xisbiga WADANI
- AMSIOM oo sheegtay in ciidamadeeda iyo kuwa Dowladda Soomaaliya ay qabsadeen Magaalo kale oo ku dhow Kismaayo
- Dibadbax xooggan ka dhacay Magaalada Kismaayo iyo Xarakada Al-shabaab oo baaq u dirtay Shacabka ku nool Jubbooyinka
- Maamulka Gobolka Hiiraan oo ka Warbixiyay dagaal khasaare sababtay oo Degmada Baladweyne ku dhexmaray Ciidamada Maamulka
- Madaxweynaha Soomaaliya oo wada Wadatashiyo ku saabsan sidii uu u soo magacaabi lahaa Ra'iisul Wasaaraha dalka