Khamiis, September 20, 2012 (HOL) — Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa sheegay in ciidamadooda iyo kuwa dowladda Soomaaliya oo magaalo kale oo muhiim ah ka qabsadeen xoogagga Al-shabaab, taasoo ay sheegeen inay ku dhow dahay magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbada Hoose.
Afhayeenka Milateriga Kenya, Col. Cyrus Oguna ayaa sheegay inay Arbacadii shalay qabsadeen deegaanka Jannaay Cabdalla oo 50-km u jira Kismaayo, isagoo sheegay inay tani fursad weyn u siinayso inay qabsadaan Kismaayo.
"Howlgal ay si wadajir ah shalay gallinkii dambe u qaadeen ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliyeed ayay ku qabsadeen deegaanka Jannaay Cabdalla. Tiro ka mid ah xoogagga Al-shabaab ayaa lagu dilay howgalka, sidoo kalena waxaa looga furtay hub fara badan," ayuu yiri Col. Oguna oo saxaafadda kula hadlayay magaalada Nairobi.
Sarkaalku wuxuu sheegay in howgalkaas ay dhaawacyo fudud kasoo gaareen laba ka mid ah ciidamada Kenya iyo shan askari oo ciidamada dowladda Soomaaliya ka tirsan, kuwaasoo uu sheegay in dhaawacyadooda loo qaaday deegaanka Dhoobley.
Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa waxaa tan iyo shalay ku qulqulayay dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab iyo saraakiishooda, kuwaasoo u sheegay warbaahinta inay difaaci doonaan magaaladaas oo ah midda ug weyn ee ku taalla Koonfurta Soomaaliya oo ay gacanta ku hayaan.
Qaramada Midoobay ayaa saraakiisha Kenya ku boorrisay in la yareeyo khasaaraha shacabka kasoo gaari kara dagaallada, kaddib kulan uu shalay Nairobi kula yeeshay wasiirka gaashaandhigga Kenya, Yuusuf Xaaji iyo taliyaha ciidamada Kenya, Jen. Julius Karangi.
"Waxaan soo dhaweynayaa ballanqaadyada Kenya ay bixisay, waxaana dhinacyada oo dhan ugu baaqaynaa inay ku dadaalaan sidii loo yareyn lahaa khasaaraha kasoo gaara shacabka dagaallada, loona ogolaado shacabka in la gaarsiiyo gargaarka ay u baahan yihiin," ayuu yiri Mark Bowden.
Saraakiisha Al-shabaab ayaa iyaguna dhankooda sheegay in xoogaggooda iyo kuwa kasoo horjeeda ay isku horfadhiyaan meel 70-km ka baxsan magaalada Kismaayo oo ay weli gacanta ku hayaan.
"Waxaan ballanqaadaynaa in AMISOM aysan cidna waxyeello u geysanayan, sidoo kalena ay ka shaqeynayso sidii ay u xoreyn lahayd dadka Kismaayo, si ay awood ugu yeeshaan inay nabad iyo hoggaan wanaagsan helaan," ayuu Jen. Karanja ku sheegay warsaxaafadeed uu soo saaray.
Dhanka kale, saraakiisha AMISOM ayaa waxay ugu baaqeen dagaalyahannada ku sugan Kismaayo inay hubka dhigaan. Balse ma aysan sheegin cid gaar ah oo ay u jeedinayaan baaqan.
Ma'suuliyiin u hadlay Al-shabaab ayaa sheegay in Kismaayo oo la qabsado uu ka horeeyo dhiig badan oo daatan, waxaana Al-shabaab ay adkeynayaan waqtigan awoodda ay ku leeyihiin Kismaayo si ay isugu dayaan inay difaacdaan.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
AMSIOM oo sheegtay in ciidamadeeda iyo kuwa Dowladda Soomaaliya ay qabsadeen Magaalo kale oo ku dhow Kismaayo
More News
- Faahfaahin ku saabsan qarax caawa fiidkii Muqdisho ka dhacay
- Dad badan oo ay ku jiraan wariyayaal caan ah oo ku dhintay qaraxii ka dhacay guriga hooyooyinka
- Labo Qarax oo khasaare nafeed geystay oo Muqdisho ka dhacay
- Hooyo iyo Aabbe Soomaaliyeed oo ku geeriyood shil baabuur oo ka dhacay Waqooyiga dalka Finland
- Madaxweynaha Soomaaliya oo Muqdisho kula kulmay Danjirayaal ka socday dalalka daneeyaha Arrimaha Soomaaliya
- Khilaaf ka dhashay isku-haynta xilalka Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland iyo Guddoomiyaha Xisbiga WADANI
- Dibadbax xooggan ka dhacay Magaalada Kismaayo iyo Xarakada Al-shabaab oo baaq u dirtay Shacabka ku nool Jubbooyinka
- Maamulka Gobolka Hiiraan oo ka Warbixiyay dagaal khasaare sababtay oo Degmada Baladweyne ku dhexmaray Ciidamada Maamulka
- Madaxweynaha Soomaaliya oo wada Wadatashiyo ku saabsan sidii uu u soo magacaabi lahaa Ra'iisul Wasaaraha dalka
- Hoobiyeyaal dhimasho iyo dhaawac geystay oo xalay lagu garaacay degmooyinka ka tirsan Magaalada Muqdisho