Khamiis, September 20, 2012 (HOL) — Kaddib is-rasaaseyn khasaare sababtay oo xalay fiidkii ku dhaxmartay xaafadda Buundo-weyn ee magaalada Baladweyne ciidamo ka wada tirsan maamulka gobollka Hiiraan, ayaa waxaa arintaa ka warbixiyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka.
Afhayeenka maamulka gobollka Hiiraan Max’ed Nuur Caga-joof oo la hadllay HOL ayaa sheegay in is-rasaaseynta dhaxmartay labada dhinac aheyd mid si qalad ah ku dhacday, kadib markii ay kala shakiyeen ciidamo howlgal ku wada jiray.
"Is-rasaaseyntaasi waxaa ay ku dhacday si qalad ah, kadib markii ay kala shakiyeen ciidamada maamulka gobollka oo waqtigaa howlgal ku jiray, mid ka mid ah ciidamada waa uu dhintay mid kalana dhaawac ayaa soo gaaray,’’ ayuu yiri Maxamed Nuur Caga-joof.
Afhayeenka gobollka ayaa intaa ku darray in markii danbe ciidamadu is garteen, taasoo keentay in rasaastu joogsato, isaga oo sheegay in xaalada caadi ku soo noqotay ciidamadana halkooda sii wateen howlgalka lagu sugayay amniga.
Rasaasta xalay laga maqlay xaafadda Buundo-weyn oo qadar kooban soctay, ayaa qal qal iyo cabsi ku abuurtay dadka ku dhaqan xaafadda walow saakay xaaladu tahay mid degan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya
Maamulka Gobolka Hiiraan oo ka Warbixiyay dagaal khasaare sababtay oo Degmada Baladweyne ku dhexmaray Ciidamada Maamulka
More News
- Faahfaahin ku saabsan qarax caawa fiidkii Muqdisho ka dhacay
- Dad badan oo ay ku jiraan wariyayaal caan ah oo ku dhintay qaraxii ka dhacay guriga hooyooyinka
- Labo Qarax oo khasaare nafeed geystay oo Muqdisho ka dhacay
- Hooyo iyo Aabbe Soomaaliyeed oo ku geeriyood shil baabuur oo ka dhacay Waqooyiga dalka Finland
- Madaxweynaha Soomaaliya oo Muqdisho kula kulmay Danjirayaal ka socday dalalka daneeyaha Arrimaha Soomaaliya
- Khilaaf ka dhashay isku-haynta xilalka Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland iyo Guddoomiyaha Xisbiga WADANI
- AMSIOM oo sheegtay in ciidamadeeda iyo kuwa Dowladda Soomaaliya ay qabsadeen Magaalo kale oo ku dhow Kismaayo
- Dibadbax xooggan ka dhacay Magaalada Kismaayo iyo Xarakada Al-shabaab oo baaq u dirtay Shacabka ku nool Jubbooyinka
- Madaxweynaha Soomaaliya oo wada Wadatashiyo ku saabsan sidii uu u soo magacaabi lahaa Ra'iisul Wasaaraha dalka
- Hoobiyeyaal dhimasho iyo dhaawac geystay oo xalay lagu garaacay degmooyinka ka tirsan Magaalada Muqdisho