Khamiis, September 20, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inuu ku gudo-jiro wadatashiyo ku aaddan sidii uu ra'iisul wasaaraha Soomaailya u soo magacaabi, isagoo sheegay inay jiraan dad badan oo isku taagan xilkan iyo kuwo ay iyagu dalbadeen inay soo gubiyaan aqoonsiyadooda waxbarasho iyo shaqo.
Xasan Sheekh ayaa haysta muddo kooban oo uu ku soo magacaabayo ra'iisul wasaare iyadoo magacaabistan ay tahay mid ay si aad ah u dhowrayaan shacabka Soomaalida iyo beesha caalamka, iyadoo talooyinka madaxweynaha lasiiyay ay ka mid yihiin inuu soo magacaabo shaqsi karti u leh howsha loo dhiibayo.
"Waxaan ku jirnaa wadatashiyo ku aaddan magacaabidda ra'iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya. Waxaa jira dad badan oo codsiyadooda noosoo gudbiyay iyo kuwo aan innagu dalbanay," ayuu yiri Xasan Sheekh.
Inkastoo madaxweynuhu uusan sheegin tirada iyo magacyada xubnaha xilka isku soo taagay ayuu haddana sheegay inay xoogga saarayo sidii kusoo magacaabi lahaa ra'iisul wasaare karti u leh inuu dalka ku hoggaamiyo horumar iyo barwaaqo.
"Culeyska ku saabsan magacaabista ra'iisul wasaaraha ayaa igu kallifay inaan ka baaqdo ka qaybgalka shirkii guud ee Qaramada Midoobay iyo shirar kale oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya oo iyaguna ka dhacaya dalka Mareykanka," ayuu madaxweynuhu ku sheegay hadal uu u jeediyay xildhibaannada baarlamaanka oo uu kula kulmay xarunta madaxtooyada.
Maamulka Puntland oo ka mid ah maamullada dalka ka jira ayaa waxay ugu baaqeen madaxweynaha Soomaaliya inuu xilkan u magacaabo shaqsi siyaasadda dalka ku cusub, iyagoo uga digay inuu u magacaabo mas'uul kasoo mid noqday dowladihii dalka soo maray.
Ugu dambeyn, madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sheegay in waqti dhow uu magacaabi doono ra'iisul wasaaraha cusub, iyadoo aan la ogeyn inuu adeegsan doono hannaanka 4.5-ka oo ay ku dhisnaayeen xukuumadihii hore iyo inuu isticmaali doono hab ka duwan oo u dhisan xisbiyada, maadaama uu isagu ka yimid xisbi.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Madaxweynaha Soomaaliya oo wada Wadatashiyo ku saabsan sidii uu u soo magacaabi lahaa Ra'iisul Wasaaraha dalka
More News
- Faahfaahin ku saabsan qarax caawa fiidkii Muqdisho ka dhacay
- Dad badan oo ay ku jiraan wariyayaal caan ah oo ku dhintay qaraxii ka dhacay guriga hooyooyinka
- Labo Qarax oo khasaare nafeed geystay oo Muqdisho ka dhacay
- Hooyo iyo Aabbe Soomaaliyeed oo ku geeriyood shil baabuur oo ka dhacay Waqooyiga dalka Finland
- Madaxweynaha Soomaaliya oo Muqdisho kula kulmay Danjirayaal ka socday dalalka daneeyaha Arrimaha Soomaaliya
- Khilaaf ka dhashay isku-haynta xilalka Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland iyo Guddoomiyaha Xisbiga WADANI
- AMSIOM oo sheegtay in ciidamadeeda iyo kuwa Dowladda Soomaaliya ay qabsadeen Magaalo kale oo ku dhow Kismaayo
- Dibadbax xooggan ka dhacay Magaalada Kismaayo iyo Xarakada Al-shabaab oo baaq u dirtay Shacabka ku nool Jubbooyinka
- Maamulka Gobolka Hiiraan oo ka Warbixiyay dagaal khasaare sababtay oo Degmada Baladweyne ku dhexmaray Ciidamada Maamulka
- Hoobiyeyaal dhimasho iyo dhaawac geystay oo xalay lagu garaacay degmooyinka ka tirsan Magaalada Muqdisho