![]() |
Khadra waxay sheegtay in wasaaradaha arrimaha dibadda iyo tan qorsheynta ay soo gudbiyeen diiwaanka shaqaalihii u shaqeynayay oo isugu jira kuwo joogta ah iyo kuwo aan joogto ahayn. Sidoo kalena ay wasaaradda qorsheynta soo gudbisay hal baabuur oo duq ah, halka wasaaradda arrimaha dibadda aanayn soo gudbin wax baabuur ah, iyadoo labadan wasaaradoodna ay soo wada gudbiyeen fallakii ay ku shaqeynayeen.
Guddoomiyaha guddiga la-dagaalanka musuqmaasuqa waxay sheegay inay wasaaarad kasta ka codsadeen inay si deg-deg ah u soo gudbiso diiwaanka hantida iyo shaqaalaha si dowladda cusub ay u hesho meel ay wax ka billowdo. Waxayna intaas ku dartay in haddii aan hantidaas aan la helin ama aan la diiwaan-gelin ay dowladda cusub ku khasbanaan doonto inay howsha ka billowdo eber oo la mid ah in hantida Qaranka iyo dhaqaalaha dalka ay baaba’een.
“Qalin hadduu yahay waxaan codsaneynaa in wasiirka, madaxweynaha, ra'iisul wasaaraha ama afhayeenka baarlamaanka uu soo gudbiyo, isla markaana uu kaga tago miiskii uu ku shaqeynayay,” ayay tiri khatra.
Ugu dambeyn, Khadra waxay sheegtay inay hay'adaha dowladda ka dalbadeen inay soo gudbiyaan liiska shaqaalaha dowladda oo tifaftiran, heerarkooda, waxay yihiin iyo jagooyinkooda, iyadoo walaac ka muujisay in haddii liiska shaqaalaha la waayo ay noqon doonto in howsha laga soo bilaabo eber.
Guddiga madaxa bannaan ee qaabilsan la dagaallanka musuqmaasuqa ayaa waxaa la magacaabay bishii Jannaayo ee sannadkan 2012, wuxuuna ka koobana yahay sagaal xubnood oo rag iyo dumar isugu jira.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
