Sabti, September 15, 2012 (HOL) — Allaha u naxariisteen waxaa xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya guddoomiyhii hore ee degmada Baladweyne Aadan Cabdi Ciise (Aadan Garaaso) sida ay HOL u xaqiijiyeen mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan.
Afhayeenka maamulka gobollka Hiiraan Max’ed Nuur Caga-joof ayaa HOL u sheegay in uu xalay uu ku geeriyooday Aadan Garaaso magaalada Muqdisho kadib xunuun in mudo ah hayay.
"Runtii waxaa u ahaa mas’uul wax badan soo shaqeeyay, mudo dheerna guddoomiye degmo iyo duqa magaalo intaba ka ahaa degmada Baladweyne, sidoo kalana qeyb weyn ka qaatay nabadeynta iyo hormarinta degmada, sidaa daraadeed waan ka taciyadeyneynaa geeridiisa ayuu yiri,’’ afhayeenka maamulka gobollka Hiiraan.
Aadan Cabdi Ciise ( Aadan Garaaso) ayaa laga soo bilaabo 1991 wixii ka danbeeyay waxaa uu ahaa guddoomiyihii degmada Baladweyne sidoo kalana waxaa uu soo noqday duqii degmada Baladweyne, isaga oo la shaqeeyay dowladdihii soo maray dalka wixii ka danbeeyay markii ay meesha ka baxday dowladdii militariga ee uu hogaaminayay Max’ed Siyaad Barre.
Aadan Cabdi Ciise, wixii uu mudooyinkii ugu danbeeyayba uu ku sugnaa magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya, mana jirin wax xil ah oo uu maamulka gobollka ka hayay waqtigan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya
Guddoomiyihii hore ee Magaalada Baladweyne Aadan Cabdi Ciise (Aadan Garaaso) oo ku geeriyooday Magaalada Muqdisho
More News
- Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee la dagaalanka Musuq-maasuqa Somalia oo ka Warbixisay halka ay marayaan howlahooda
- Al-shabaab oo Somalida ugu baaqday inay muujiyaan caradooda kaga aaddan filimkii lagu aflagaadeeyay Nebi Muxamed (NNKH)
- Madaxweynaha cusub ee Soomaliya oo kulan kula yeeshay xafiiskiisa Madaxtooyada Wafdi ka socday Qarammada Midoobay
- Dood-cilmiyeed looga hadlayay guurka qasabka iyo dhibaatooyinka ka dhalan kara oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho
- Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo oo ka qayb-galay Qalinjabinta 637 arday oo dhamaystay Jaamacadda Hargeysa
- Dagaal Xooggan oo ka billowday inta u dhexeysa deegaanada Birta-dheer iyo Biibi ee Gobolka Jubbada Hoose
- Sheekh Cabdalla Ibraahim "kuwa Nebiga (CSW) u gefay ha ogaadeen in Muslimiin fara badan ay difaacayso sharafta Rasuulka"
- AMISOM oo sheegtay in ciidamadeeda iyo kuwa Dowlada Soomaaliya ay la wareegeen Deegaanka Biibi ee Gobolka Jubbada Hoose
- Hub iyo walxaha qarxa oo laga helay guri ku yaalla Xaafadda ay Soomaalidu degto ee (Islii) Magaalada Nairobi