Sabti, September 15, 2012 (HOL) — Booliska dalka Kenya ayaa gacanta ku dhigay rag la tuhunsanyahay in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab iyo hub ay siteen oo ay ka mid ahaayeen suumanka nooca isqarxinta loo isticmaalo, kuwaasoo laga soo qabtay guri ku yaal xaafadda ay Soomaalidu degto ee Eastleigh ama Islii.
Howlgallo ay ciidamada booliska ka sameeyeen xaafadda Eastleigh ayay kusoo qabteen lix suun oo nooca isqarxinta ah, 12 Bambaano, afar qori nooca AK47-ka iyo rasaas, waxayna sidoo kale gacanta ku dhigeen laba qof oo looga shakisanyahay in ay katirsanyihiin Al-shabaab.
Taliye ku xigeenka booliska Kenya Moses Ombati oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in howlgalladani laga soo qabtay hubka ay iska kaashadeen sirdoonkooda iyo dadka rayidka ah.
“Waxay qorsheynayeen weerar weyn iyo burburin, waxaan gacanta ku dhignay lix suun oo nooca isqarxinta ah, rasaas badan, bambaanooyinka gacanta iyo laba nin oo laga shakisanyahay kuwaasoo maxkamad lasoo taagi doono,” ayuu yiri Taliye kuxigeenka oo warbaahinta la hadlay.
Booliska ayaa sheegay in ay baadigoob ugu jiraan sideed nin oo la sheegay in ay katirsanaayeen kooxaha hubka lagu soo qabtay, kuwaasoo ay sheegeen in ay goobta ka baxsadeen kadib markii ay ka warheleen howlgallada ciidamada.
Qalabka isqarxinta loo isticmaalo ee ay boolisku heleen ayaa la sheegay in ay ku xirnaayeen mobile-lo, waxayna saraakiisha boolisku sheegeen in hadii qaraxyadan la isticmaali lahaa ay geysan lahaayeen khasaarooyin baaxad leh.
Taliye ku xigeenka Booliska Mr. Omati ayaa sheegay in hubka la qabtay ay leeyihiin Al-shabaab, wuxuuna sheegay in Al-shabaab ay ku mashquulsanyihiin sidii ay qaraxyo uga geysan lahaayeen Kenya, isagoona xusay in loo baahanyahay foojignaan dheeri ah.
Arintan ayaa kusoo beegmeysa xilli dhawaan Booliska ay gacanta ku dhigeen ku dhowaad ilaa 157 Bambaano kuwaasoo laga helay guri ku yaal xaafadda Nairobi, waxaana ay arintani muujineysaa qatarta ay dowladda Kenya ugu jirto in qaraxyo laga fuliya dalkeeda.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya
Hub iyo walxaha qarxa oo laga helay guri ku yaalla Xaafadda ay Soomaalidu degto ee (Islii) Magaalada Nairobi
More News
- Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee la dagaalanka Musuq-maasuqa Somalia oo ka Warbixisay halka ay marayaan howlahooda
- Al-shabaab oo Somalida ugu baaqday inay muujiyaan caradooda kaga aaddan filimkii lagu aflagaadeeyay Nebi Muxamed (NNKH)
- Madaxweynaha cusub ee Soomaliya oo kulan kula yeeshay xafiiskiisa Madaxtooyada Wafdi ka socday Qarammada Midoobay
- Dood-cilmiyeed looga hadlayay guurka qasabka iyo dhibaatooyinka ka dhalan kara oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho
- Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo oo ka qayb-galay Qalinjabinta 637 arday oo dhamaystay Jaamacadda Hargeysa
- Dagaal Xooggan oo ka billowday inta u dhexeysa deegaanada Birta-dheer iyo Biibi ee Gobolka Jubbada Hoose
- Guddoomiyihii hore ee Magaalada Baladweyne Aadan Cabdi Ciise (Aadan Garaaso) oo ku geeriyooday Magaalada Muqdisho
- Sheekh Cabdalla Ibraahim "kuwa Nebiga (CSW) u gefay ha ogaadeen in Muslimiin fara badan ay difaacayso sharafta Rasuulka"
- AMISOM oo sheegtay in ciidamadeeda iyo kuwa Dowlada Soomaaliya ay la wareegeen Deegaanka Biibi ee Gobolka Jubbada Hoose