Sabti, September 15, 2012 (HOL) — Waxaa sii kordhaya carrada dadka muslimiinta ah ee caalamku nool ay ka qaadeen gafka ay gaaladu kula kacaan suubanaheenna Muxammed (NNKH) iyadoo malaayiin muslimiin ah ay kacdoon ka samaynayaan filim lagu aflagaadeeyey islaamka oo lagu jilay Maraykanka.
Hadaba Jimco shalay ayaa masaajidda caalamka waxaa laga wada habaaray kuwii gefkaas ku kacay, waxaana masjidul-sunna oo ku yaalla xaafadda ay Soomaalidu ku badan tahay ee Cape Town uu imaanka masjidka Soomaalida ee Sheekh Cabdalla Ibraahim kusoo qaatay sharafta iyo maqaamka sare ee Alle uu siiyay rasuulkeenna Muxammed (NNKH).
Sheekhu wuxuu sheegay in nasiib-darrada ugu xun ay tahay in gaaladu ay hadallo uusan mudneyn Nebigenna ku dhawaaqaan, isagoo sheegay inay ku heli doonaan cadaab adag oo Alle xaggiisa uga yimaada adduun iyo aakhiraba.
"Nabigeenna Muxammed (NNKH) ALLE ayaa kaga filan kuwa is leh waxbaad u dhimi kartaan; haba yaraashee waxay u dhimayaan ma jirto, balse ha ogaadaan inay difaacayaan sharafta rasuulkeenna balaayiin mulimiin," ayuu yiri Sheekh Cabdalla oo indhihiisa ay illini buuxisay sida uu uga qiirooday gafka lagu geystay Rasuulkeenna.
Sidoo kale, Sheekh Cabdalla wuxuu carabka ku dhuftay in kuwa gefkaas sameeyay ay mudan yihiin in la dilo; haddii kalana qalbiga laga habaaro... kacdoonna laga sameeyo filimkaas foosha xun ee ay sameeyeen jilayaasha Maraykanka ah, si loo muujiyo inay muslimiinta sii wadi doonaa difaaca diinta Islaamka iyo rasuulkeenna Muxamed (NNKH).
"Maanta booska raggii difaaci jiray Nebiga iyo diintaba innaga ayaa ku jirna waana inaan buuxinnaa boosaskoodii... balse waxaa nasiib-darro ah inaan maanta innagu isku soo jeedno oo aan kala qoqobannahay. Waxaa nalooga baahan yahay inaan caddeyno ama muujinno difaaca Nebigeenna iyo diinteenna sharafta leh," ayuu mar kale yiri Sheekh Cabdalla.
Hadalkan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo ay weli sii socdaan dibadbaxyada ka dhashay caradii laga qaaday filimkaas oo dunida carabta iyo kuwa islaamka kusii kordhaya, waxaana tani ay noqonaysaa markii ugu horreysay oo Islaamka oo dhan ay si isku mid ah caro uga muujiyaan gef loo geystay Nebigeenna iyo diinta Islaamka.
C/risaaq C/laahi IndhaJaceyl
[email protected]
Cape Town, South Africa
Sheekh Cabdalla Ibraahim "kuwa Nebiga (CSW) u gefay ha ogaadeen in Muslimiin fara badan ay difaacayso sharafta Rasuulka"
More News
- Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee la dagaalanka Musuq-maasuqa Somalia oo ka Warbixisay halka ay marayaan howlahooda
- Al-shabaab oo Somalida ugu baaqday inay muujiyaan caradooda kaga aaddan filimkii lagu aflagaadeeyay Nebi Muxamed (NNKH)
- Madaxweynaha cusub ee Soomaliya oo kulan kula yeeshay xafiiskiisa Madaxtooyada Wafdi ka socday Qarammada Midoobay
- Dood-cilmiyeed looga hadlayay guurka qasabka iyo dhibaatooyinka ka dhalan kara oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho
- Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo oo ka qayb-galay Qalinjabinta 637 arday oo dhamaystay Jaamacadda Hargeysa
- Dagaal Xooggan oo ka billowday inta u dhexeysa deegaanada Birta-dheer iyo Biibi ee Gobolka Jubbada Hoose
- Guddoomiyihii hore ee Magaalada Baladweyne Aadan Cabdi Ciise (Aadan Garaaso) oo ku geeriyooday Magaalada Muqdisho
- AMISOM oo sheegtay in ciidamadeeda iyo kuwa Dowlada Soomaaliya ay la wareegeen Deegaanka Biibi ee Gobolka Jubbada Hoose
- Hub iyo walxaha qarxa oo laga helay guri ku yaalla Xaafadda ay Soomaalidu degto ee (Islii) Magaalada Nairobi