Sabti, September 15, 2012 (HOL) — Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulankiisii ugu horreeyay kula yeeshay xafiiskiisa madaxtooyada wafdi ka socday Qaramada Midoobay, kuwaasoo uu hoggaaminayay ku xigeenka xoghayaha guud Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Antinomy Burneury.
Kuklanka oo ahaa mid ay albaabbadu u xirnaayeen ayaa waxay labada dhinaca uga hadleen arrimo la xiriira doorka Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya iyo u hambalyeynta madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo Isniintii lasoo dhaafay loo doortay madaxweyne.
Markii uu kulanku soo dhammaaday ayaa waxaa saxaafadda la hadaly Mr. Antonym isagoo sheegay inuu madaxweyanaha u gudbiyay hambalyo uu kaga siday xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-Moon, isagoo xusay in Qaramada midoobay ay ku qanacsan tahay natiijadii kasoo baxday doorashadii madaxweyne ee ka dhacday Muqdisho, taasoo uu ku guuleystay Mudane Xasan Sheekh.
Madaxweynaha Soomaaliya lama uusan hadlin saxaafadda, waxaase kulankooda uu ahaa mid u muuqday inay isku afgarteen isaga iyo wafdigii ka socday Qaramada Midoobay, iyadoo UN-ku uu lug weyn ku leeyahay siyaasadda Soomaaliya.
Kulankan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo lagu wado in maalinta berri ah uu si rasmi ah ugala wareego howlaha dowladda madaxweynihii hore, Shariif Sheekh Axmed oo uu kaga guuleysatay tartan adag oo ay labadoodu isugu soo hareen.
Doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ayaa si weyn looga soo dhaweeyay dibadda iyo gudaha Soomaaliya, iyadoo sidoo kale ay hambalyo u soo direen madaxda caalamka qaarkood oo ay ku jiraan kuwa Mareykanka.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Madaxweynaha cusub ee Soomaliya oo kulan kula yeeshay xafiiskiisa Madaxtooyada Wafdi ka socday Qarammada Midoobay
More News
- Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee la dagaalanka Musuq-maasuqa Somalia oo ka Warbixisay halka ay marayaan howlahooda
- Al-shabaab oo Somalida ugu baaqday inay muujiyaan caradooda kaga aaddan filimkii lagu aflagaadeeyay Nebi Muxamed (NNKH)
- Dood-cilmiyeed looga hadlayay guurka qasabka iyo dhibaatooyinka ka dhalan kara oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho
- Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo oo ka qayb-galay Qalinjabinta 637 arday oo dhamaystay Jaamacadda Hargeysa
- Dagaal Xooggan oo ka billowday inta u dhexeysa deegaanada Birta-dheer iyo Biibi ee Gobolka Jubbada Hoose
- Guddoomiyihii hore ee Magaalada Baladweyne Aadan Cabdi Ciise (Aadan Garaaso) oo ku geeriyooday Magaalada Muqdisho
- Sheekh Cabdalla Ibraahim "kuwa Nebiga (CSW) u gefay ha ogaadeen in Muslimiin fara badan ay difaacayso sharafta Rasuulka"
- AMISOM oo sheegtay in ciidamadeeda iyo kuwa Dowlada Soomaaliya ay la wareegeen Deegaanka Biibi ee Gobolka Jubbada Hoose
- Hub iyo walxaha qarxa oo laga helay guri ku yaalla Xaafadda ay Soomaalidu degto ee (Islii) Magaalada Nairobi