Sabti, September 15, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ee ka dagaalanta dalka Soomaaliya ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed maanta oo Sabti ah inay muujiyaan caradooda ku aaddan filimkii lagu sameeyay Mareykanka ee lagu Nebi Muxamed (NNKH) iyo diinta Islaamka lagu afla-gaadeeyay.
Caro ka dhaaltay filimkan ayaa rabshado ka kicisay caalamka oo dhan, iyadoo ay ku dhinteen in ka badan toddoba qof rasbashadaha arrintan ku saabsan ee ka dhacaya dunida muslimka, iyadoo rabshado ka dhacay dalka Liibiya lagu dilay safiirkii halkaas u joogay Mareykanka iyo saddex qof oo kale.
"Al-shabaab waxay ugu baaqaysaa shacabka Soomaaliyeed inay muujiyaan jacaylka ay u qabaan Islamaka, gaar ahaan Nebi Muxamed (NNKH), ayna weeraraan danaha reer galbeedka," ayuu yiri afhayeenka Al-shabaab, Sheekh Cali Dheere oo la hadlay wakaaladda wararka ee AFP.
"Weerarkan lagu qaaday Nebi Muxamed ma ahan oo keliya mid ay qabaan dadka sameeyay, balse waa mid ay qabaan xukuumada ka jira dalalka gaalada," ayuu ku daray hadalkiisa. "Tani waxay caddeynaysaa in diinta Islaamka aan la jeclayn."
Jimcihii shalay waxaa degmada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan oo ay ka taliso Al-shabaab ka dhacay dibadbax looga soo horjeedo filimkan, iyadoo dadka ay aad ugu qaylinayeen inaan diinta Islaamka loo gefi karin.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa sidoo kale ka dhacay shalay dibadbax aan aad u xooganayn oo looga soo horjeedo filimkan, iyadoo dowladda Soomaaliya ay si adag u cambaareysay filimkaas, iyadoo ku tilmaantay inuu xadgudub ku hayay diinta iyo dadka muslimka ah oo dhan.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Al-shabaab oo Somalida ugu baaqday inay muujiyaan caradooda kaga aaddan filimkii lagu aflagaadeeyay Nebi Muxamed (NNKH)
More News
- Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee la dagaalanka Musuq-maasuqa Somalia oo ka Warbixisay halka ay marayaan howlahooda
- Madaxweynaha cusub ee Soomaliya oo kulan kula yeeshay xafiiskiisa Madaxtooyada Wafdi ka socday Qarammada Midoobay
- Dood-cilmiyeed looga hadlayay guurka qasabka iyo dhibaatooyinka ka dhalan kara oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho
- Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo oo ka qayb-galay Qalinjabinta 637 arday oo dhamaystay Jaamacadda Hargeysa
- Dagaal Xooggan oo ka billowday inta u dhexeysa deegaanada Birta-dheer iyo Biibi ee Gobolka Jubbada Hoose
- Guddoomiyihii hore ee Magaalada Baladweyne Aadan Cabdi Ciise (Aadan Garaaso) oo ku geeriyooday Magaalada Muqdisho
- Sheekh Cabdalla Ibraahim "kuwa Nebiga (CSW) u gefay ha ogaadeen in Muslimiin fara badan ay difaacayso sharafta Rasuulka"
- AMISOM oo sheegtay in ciidamadeeda iyo kuwa Dowlada Soomaaliya ay la wareegeen Deegaanka Biibi ee Gobolka Jubbada Hoose
- Hub iyo walxaha qarxa oo laga helay guri ku yaalla Xaafadda ay Soomaalidu degto ee (Islii) Magaalada Nairobi