Sabti, September 15, 2012 (HOL) — Taliska ciidamada AMISOM ayaa war ay soo saareen ku sheegay in ciidamadooda iyo kuwa dowladda oo is-garabsanaya ay la wareegeen gacan ku haynta deegaanka Biibi oo ku dhow degmada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.
AMISOM ayaa sheegtay in howgal ay sameeyeen ciidamadooda iyo kuwa Somalia ay ku qabsadeen deegaankaas oo ay ku sheegeen mid muhiim ah, inkastoo aysan jirin war arrintan ku saabsan oo weli kasoo baxay dhinaca Xarakada Al-shabaab.
"Howlgal 12:30 duhurnimo ee Jimcihii la fuliyay ayaa lagu qabsaday deegaankaas oo isku xira deegaanka Bilis-Qooqaani iyo degmada Afmadow, sidoo kale waxaan ku furannay hub iyo rasaas, saddex askarta Soomaaliya ka tirsanna waxaa kasoo gaaray dhaawacyo fudud," ayaa lagu sheegay warka kasoo baxday Al-shabaab.
Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobolka Jubbada hoose ayaa sheegay in dagaalkaas lagu dilay afar qof oo ka tirsan xoogagga Al-shabaab, kuwaasoo ay ku jireen saraakiil hoggaaminayay dagaalka.
Taliyaha guud ee ciidamada AMSIOM, Jen. Andrew Gutti oo hadlay ayaa sheegay in qabsashada deegaanka Biibi ay tahay mid ay ku adkeynayaan ammaanka dadka ku nool deegaankaas iyo kuwa ku dhow.
"AMISOM waxaa ka go'an inay taageerto shacabka Soomaaliyeed si ay dalkooda dib ugu dhistaan," ayuu yiri taliyaha AMISOM oo intaas ku daray: "Waan sii wadaynaa taageeradaas, waxaana intii aan awoodno ku bixin doonnaa sidii ay shacabku u arki lahaayeen riyooyinkooda ah inay ku noolaadaan nabad galaan falalka argagaxisada.
Ciidamada AMISOM ee ku sugan gobollada Jubbooyinka ayaa waxay ka socdaan dalka Kenya, kuwaasoo si rasmi ah ugu biiray howgalka Midowga Afrika bishii Abriil ee sannadkan, kaddib markii uu heshiis dhexmaray dowladda Kenya iyo Midowga Afrika.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
AMISOM oo sheegtay in ciidamadeeda iyo kuwa Dowlada Soomaaliya ay la wareegeen Deegaanka Biibi ee Gobolka Jubbada Hoose
More News
- Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee la dagaalanka Musuq-maasuqa Somalia oo ka Warbixisay halka ay marayaan howlahooda
- Al-shabaab oo Somalida ugu baaqday inay muujiyaan caradooda kaga aaddan filimkii lagu aflagaadeeyay Nebi Muxamed (NNKH)
- Madaxweynaha cusub ee Soomaliya oo kulan kula yeeshay xafiiskiisa Madaxtooyada Wafdi ka socday Qarammada Midoobay
- Dood-cilmiyeed looga hadlayay guurka qasabka iyo dhibaatooyinka ka dhalan kara oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho
- Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo oo ka qayb-galay Qalinjabinta 637 arday oo dhamaystay Jaamacadda Hargeysa
- Dagaal Xooggan oo ka billowday inta u dhexeysa deegaanada Birta-dheer iyo Biibi ee Gobolka Jubbada Hoose
- Guddoomiyihii hore ee Magaalada Baladweyne Aadan Cabdi Ciise (Aadan Garaaso) oo ku geeriyooday Magaalada Muqdisho
- Sheekh Cabdalla Ibraahim "kuwa Nebiga (CSW) u gefay ha ogaadeen in Muslimiin fara badan ay difaacayso sharafta Rasuulka"
- Hub iyo walxaha qarxa oo laga helay guri ku yaalla Xaafadda ay Soomaalidu degto ee (Islii) Magaalada Nairobi