![]() |
"Weerarradii argagaxiso nagama horjoogsan doonaan jidka horumarka iyo isbedelka," ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya, isagoo intaas ku daray. "Waxaan qaadi doonnaa tallaabooyin lagu xoojinayo ammaanka Muqdisho. Ciidamada ammaankuna uma ogolaan doonaan in falalka argagaxisadu ay guuleystaan."
Hadalkan uu madaxweynuhu jeediyay Khamiistii ayaa wuxuu kaga jawaabayay hadal kasoo baxay Al-shabaab oo ay ku sheegatay weerarradaas, isagoo xusay inaysan cabsi gelin doonin qaraxyadan iyo wax la mid ah, rajadoodana aysan hoos u dhigi doonin.
Qaraxyadan oo ay ku dhinteen askar ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa waxaa fuliyay laba nin oo waxyaabaha qaraxa isku soo xiray, xilli ay hoteelka ku shirayeen madaxweynaha cusub iyo wafdi ka socda dalka Kenya oo uu hoggaaminayay wasiirka arrimaha dibadda Kenya, Sam Ongeri.
Al-shabaab ayaa sheegtay in weerarkan uu hordhac u yahay dagaal ay la galayaan dowladda uu soo dhisi doono madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, waxaana uu ka dhacay weerarkan goob aad u ammaan badan oo ku dhow garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.
Ma ahan markii ugu horreysay oo ay Al-shabaab qaraxyo noocan oo klale ka geysato Muqdisho, balse waxay dhowr jeer oo hore qaraxyo ka geysatay goobo kala duwan oo ay ku jirtay madaxtooyada Soomaaliya, kuwaasoo lagu ugaarsanayay madaxda dowladda Soomaalida.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
