Jimco, September 14, 2012 (HOL) — Magaaladda Boorama ee xarunta gobolka Awdal ayaa shalay lagu xidhay laba weriye oo u kala shaqeynayay Telefishinadda Somalisat iyo Telefishanka Bulsho.
Labadan wariye ayaa la kala yidhaa Haashim Good iyo Mursal Cilmi Cumar oo Boorama wakiil uga ah laba Telefishan iyo wargeyska Haatuf, inkastoo si cad loo sheegin sababta dhabta ah ee loo xidhay, hadana waxa la sheegayaa in xadhigoodu ka dambeeyey Aragti urur ay ka sameeyeen dadweynuhu sida ay u arkeen madaxweynaha cusub ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud.
Haseyeeshee xadhiga wariyeyaashan ayey ciidamadda amaanka ee Boorame sheegeen inay u mareen sifo sharci ah.
Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland Xasan Maxamed Yuusuf ayaa cambaareeyey xadhiga lagula kacay labadda wariye, kaas oo uu ku tilmaamay mid sharciga ka baxsan.
Si kastaba ha ahaatee, madaxweynaha cusub ee Somalia waxa hore usoo dhoweeyey madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo iyo dadweynaha Somalilandba, taas oo dambi ahayn in dadweynuhu aragtidoodda ka dhiiban karaan siday u arkaan isbedeladda ka dhacaya geeska afrika.
Xadhiga wariyeyaasha ka hawlgala somaliland ayaa soo badanaya, iyago sifo sharciga loo soo marin la iska xidhayo.
Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland
Ururka Suxufiyiinta Somaliland oo Cambaareeyey xariga laba Wariye loogu geystay Magaalada Boorame ee Gobolka Awdal
More News
- XASAN SHEEKH MAXAMUUD: "Qaraxyadii Argagaxisada ahaa nagama leexin doonaan Jidka Horumarka iyo Isbedelka"
- Qoysas badan oo ku guryo beelay dab Qabsaday mid ka mid ah xeryaha ay ku jiraan barakacayaasha ee Magaalada Boosaaso
- Al-shabaab oo sheegtay inaysan dagaalka joojinayn inta ay ka gaarayso in Somalia oo dhan lagu xukumo diinta Islaamka
- Bannaanbax lagu Taageerayay Madaxweynaha Soomaaliya oo ka dhacay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay
- Taliska Milateriga Soomalaiya oo sheegay inay ku wajahan yihiin Degmada Jowhar ee Gobolka Shabeellada dhexe
- Tahriibayaal Soomaaliyeed oo ku xiran dalka Liibiya oo ka cabanaya Xorriyad la'aan iyo inaan loo ogoleyn in dalkooda lagu celiyo
- Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in Shaqaalaha dowladda uusan wax saameyn ku yeelanayn isbedelka dhacay
- Dowladda Mareykanka iyo Qaramada Midoobay oo si adag u cambaareeyay Weerarkii lagu qaaday Madaxweynaha Soomaaliya