4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 14, 2012
Qoysas badan oo ku guryo beelay dab Qabsaday mid ka mid ah xeryaha ay ku jiraan barakacayaasha ee Magaalada Boosaaso

Jimco, September 14, 2012 (HOL) — Waxaa xalay saqdii dhexe gubtey kaam ay dad barakacayaal ahi ku dhaqan yihiin oo ku yaal xaafadda Biyo kulule ee bariga Magaalada Boosaaso, dabka oo ahaa mid xoogan, islamarkaana aan si dhab ah loo ogeyn waxa sababay ayaa hoy la'aan dhigey in ka badan 30 qoys.

Waxaana ku basbeelay aqalo tira badan oo Buushash ah, kuwaas oo ka sameysnaa Baco iyo baakado inkasta oo aysan jirin cid dabkaas ay waxyeelo kasoo gaartey, marka laga reebo haweeney waayeel ah oo dhaawac yari uu lugta ka gaarey kadib markii ay isku dayday in ay gurigeeda oo gubanaya wax kala soo baxdo.

Bulshada ku dhaqan xaafadda uu kaamkaasi ku yaal ayaa dadaal xoogan ku bixiyey sidii dabka loo xakameyn lahaa, maadaama cabsi weyn laga qabey in uu xaafadda inteeda kale ku fido, waxayna ugu danbeyntii ku guuleysteen in ay gacmahooda ku demiyaan.Ciidamada dabdemiska oo iyagu ah kuwo tiro yar marka loo eego baahida ay magaaladu qabto, qalab ku filanna aan haysan ayaa goobta soo gaarey waxyar kadib markii la damiyey.

Dabka ka kaca xeryaha barakacayaasha ayaan ahayn mid ku cusub dhegaha dadka magaalada Boosaaso ku dhaqan, haseyeeshee waxaa sanad walba marka lasoo gaaro xiliga xagaaga gubta kaamam badan iyadoo ay mararka qaarna dad ku dhintaan.


Dowladda hoose ee degmada Boosaaso ayaa dadaal dheer ku bixisay sidii xeryaha barakacayaasha, magaalada looga dhex saari lahaa, waxaana lagu guuleystey in intoooda badan loo raro meel magaalada banaanka ah, halkaasoo ay hay'adaha samafalku guryo kumeel gaar ah oo badan uga dhiseen, waxaase weli jira qaar kusii haray xaafadaha dhexdooda.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliy