4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 14, 2012
Bannaanbax lagu Taageerayay Madaxweynaha Soomaaliya oo ka dhacay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay

Jimco, September 14, 2012 (HOL) — Bannaanbax ay si wadajir ah u soo qaban-qaabiyeen maamulka gobolka Bay iyo xafiiska hogaanka shacabka iyo hormarinta ee Bay laguna taageerayay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka dhacay garoonka kubadda cagta ee Dr. Ayuub ee magaalada Baydhabo.

Dibadbaxan oo ay ku jireen ardayda wax ka barta dugsiyada Baydhabo ayaa socod ku maray gudaha degmadaas, iyagoo sitay boorar iyo sawirrada madaxweyaha cusub ee Soomaaliya, kuna dhawaaqayay erayo ay kusoo dhaweynayaan isbedelka dhinaca hoggaanka ah ee dhacay.

Mas'uuliyiinta maamulka gobolka iyo xubno ka socday bulshada rayidka ah oo hadallo ka jeediyay dibadbaxa ayaa sheegay in dowladda cusub ee Soomaaliya looga baahan yuahay inay gacan siiso shacabka ku nool Baydhabo oo dhibaatooyin badan soo maray sannadihii ugu dambeeyay.

Taliyeyaasha ciidamada booliiska iyo milateriga gobolka Bay, Col. Mahad iyo Jen. Mad-Mad oo labaduba ka hadlay dibadbaxa ayaa sheegay in dowlada cusub looga fadhiyo inay garab-istaagto shacabka gobolka Bay isla markaana ay daryeesho ciidamada dowlada ee ka howl-gala gobolladan.


“Ummadda Soomaaliyeed waxaa u baryay waa cusub, wixii dhacay 10-kii bishaan waxaan dhihi karaa waa nasri Alle ummaddan siiyay; waana billowga hormarka shacbiga Soomaaliyeed... haddaba annigoo ku hadlaya magaca shacbiga ku dhaqan gobolka Bay waxaan hambalyo u dirayaa madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud waxaaan balan-qaadeynaa inaan la garab istaagi doono taageero... waxaan ka codsanaynaa inuu gobolkan ka dhigo gobolkii u horreeyay ee uu soo booqdo,” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Bay, Cabdifataax Maxamed Ibraahim (Geesey) oo ka hadlay dibadbaxa.

Sidoo kale, guddoomiyaha degmada Baydhabo, Xasan Macalin Axmad (Biikole) oo isaguna ka hadlay dibadbaxa ayaa sheegay in shacabka Baydhabo ku nool ay aad ula dhacsan yihiin isbedelka dhacay ayna farxadda la qabaan dhammaan ummadaha kale ee Soomaaliyeed.


Ugu dambeyn, mas'uuliyiinta gobolka Bay ayaa waxay dowlada cusub kula taliyeen inay la timaaddo dowladnimo-wanaag ayna madaxdeedu noqdaan qaadumiin qaran iyo shacabka Soomaaliyeed ugu adeegga sida ay doonayaan, si looga gudbyo 21-sano oo dhibaatooyin ah.







Maxamed Xaaji Xuseen, Hiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya