Jimco, September 14, 2012 (HOL) — Dowladda Mareykanka iyo Qaramada Midoobay ayaa si adag u cambaareeyay weerarradii ismiidaaminta ahaa ee maalin ka hor lagu weeraray hoteel uu Muqdisho ka deggenaa madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.
Warsaxaafadeed kasoo baxay Mareykanka ayaa lagu sheegay in weerarradaas si geesinimo ah uga hortageen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, waxayna tacsi u direen ehellada dadkii iyo askartii ku geeriyooday weerarradaas.
Mareykanka wuxuu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay meel uga soo wada-jeestaan falalka ku dhisan siyaasadda ee la doonayo in lagu carqaladeeyo isbedelka, nabadda iyo dib u dhiska dalka.
Dhanka kale, madaxweynaha golaha ammaanka ee Qaramada Midoobaym naasir C/casiis Al-Naasir oo u warramayay saxaafadda isagoo ku sugan New York ayuu sheegay in weerarka uu ahaa mid fulaynimo ah oo lagu doonayay in caqalad lagu geliyo isbedelka ku yimid hannaanka dowladeed ee Soomaaliya iyo horumarka socda.
"Waxaan si adag u cambaareynaynaa weerarkaas fulaynimada ah. Waxaana tacsi u diraynaa ehellada kuwii naftooda u waayay difaaca sharafka Soomaaliya," ayuu yiri Al-Naasir oo sheegay in weerarkaas uusan ahayn mid hakin kara horumarka iyo dib u dhiska dhinaca nabadda ee Soomaaliya.
Arbacdii toddobaadkan ayaa waxaa laba nin oo waxyaabaha qarxa isku xiray ay ku weerareen hoteel Jaziira oo ku dhow garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho madaxweynaha cusub ee Soomaaliya iyo wufuud ka socday dalka Kenya iyo ururka Midowga Afrika, inkastoo aysan waxyeelo soo gaarin.
Weerarradaas ismiidaaminta ahaa ayaa waxaa sheegatay Xarakada Al-shabaab, iyagoo sheegay inay ka gaareen hadafkii ay ka lahaayeen, iyadoo weerarkaas ay ku dhinteen sagaal qof oo ay ku jiraan shan askari oo AMISOM iyo dowladda ka tirsan iyo qof rayid ah.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Dowladda Mareykanka iyo Qaramada Midoobay oo si adag u cambaareeyay Weerarkii lagu qaaday Madaxweynaha Soomaaliya
More News
- XASAN SHEEKH MAXAMUUD: "Qaraxyadii Argagaxisada ahaa nagama leexin doonaan Jidka Horumarka iyo Isbedelka"
- Qoysas badan oo ku guryo beelay dab Qabsaday mid ka mid ah xeryaha ay ku jiraan barakacayaasha ee Magaalada Boosaaso
- Ururka Suxufiyiinta Somaliland oo Cambaareeyey xariga laba Wariye loogu geystay Magaalada Boorame ee Gobolka Awdal
- Al-shabaab oo sheegtay inaysan dagaalka joojinayn inta ay ka gaarayso in Somalia oo dhan lagu xukumo diinta Islaamka
- Bannaanbax lagu Taageerayay Madaxweynaha Soomaaliya oo ka dhacay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay
- Taliska Milateriga Soomalaiya oo sheegay inay ku wajahan yihiin Degmada Jowhar ee Gobolka Shabeellada dhexe
- Tahriibayaal Soomaaliyeed oo ku xiran dalka Liibiya oo ka cabanaya Xorriyad la'aan iyo inaan loo ogoleyn in dalkooda lagu celiyo
- Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in Shaqaalaha dowladda uusan wax saameyn ku yeelanayn isbedelka dhacay