4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 14, 2012
Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in Shaqaalaha dowladda uusan wax saameyn ku yeelanayn isbedelka dhacay

Jimco, September 14, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in isbedelka dhacay uusan wax saameyn ku yeelan doonin shaqaalaha dowladda, isagoo ballanqaaday inay shaqaaluhu sidii hore u shaqeyn doonaan.

Hadalkan ayuu madaxweynuhu jeediyay kaddib markii uu shalay socod kusoo kala bixiyay xafiisyada madaxtooyada iyo xafiisyada wasaaradaha dowladda, isagoo ay weheliyeen madaxweynihii hore, Shariif Sheekh Axmed iyo guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

"Waxaan rabaa inaan halka ka caddeeyo in isbedelka dhinaca madaxda ah ee dhacay aysan wax saameyn ku yeelanayn shaqaalaha dowladda. sidii hore ayaad u shaqeynaysaan, qofkii la yimaada wax lagu bedelo ayaa la bedeli doonaa," ayuu yiri Xasan Sheekh.

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu shaqaalaha dowladda u sheegay inasy markii hore u shaqeynayn Shariif, balse ay Qaranka u shaqeynayeen maantana ay sidii oo kale Qaranka ugu shaqeynayaan, isagoo meesha ka saaray in shaqaalaha dowladda la eryi karo.

"Haddii shaqaale meel laga bedelo meel kale ayaa loo bedelayaa, shaqaaalaha dowladda xuquuq ayay leeyihiin lamana eryi karo," ayuu yiri Xasan Sheekh oo ku boorriyay shaqaalaha dowladda inay howlahooda dardar-geliyaan.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed oo isaguna ka hadlay goobta ayaa sheegay in shaqaalaha dowladda, gaar ahaan kuwa madaxtooyada ay dhibaatooyin badan soo mareen, aysanna guryahooda aadin muddo sannado ah.

Shariif Sheekh ayaa lagu wadaa inuu wareejiyo xilka madaxweynenimo ee dalka Soomaaliya, waxaana loo adkaaday wareeggii ugu dambeeyay doorashadii madaxnimo ee dalka oo ay ku tartameen madaxweynaha hadda Xasan Sheekh Maxamuud.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya