Jimco, September 14, 2012 (HOL) — Boqolaal Soomaali ah oo ku xiran xabsi ku yaalla magaalada labaad ee dalka Liibya ugu weyn ee Banghazi ayaa ka cabanaya xorriyad la'aan iyo inaan loo ogoleyn in dalkooda dib loogu celiyo, iyagoo sheeagy in dhibaatooyin adag ay ku haystaan xabsiga ay ku jiraan.
Cabdi Xaaji oo ka mid ah dhallinyarada ku jira xabsigaas ayaa BBC-da u sheegay in dhibaatooyin badan ay ku haystaan xabsiga, loona diiday dhowr jeer in dalkooda loo celiyo, iyadoo maxaabiista kale ee xabsiga kula jirta maalin walba dib loogu celiyo dalalkooda.
"Illaa 200 oo dhallinyaro ah ayaan nahay inta xabsiga ku jirta, muddo sannad ah ayaana ku jirnaa xabsiga, dhowr jeer ayaan dalbanay in dalkeena nalagu celiyo, balse ma jirto cid dheg-jalaq noo siisay," ayuu yiri Cabdi Xaaji.
Maxbuuskan Soomaaliyeed ayaa sheegay in tan iyo markii uu tagay dalka Liibiya uu ku jiray xabsi, wuxuuna xusay in dhammaantood ay yihiin rag oo aysan ku jirin wax dumar ah, isagoo sheegay in dumarka la geeyo xero weyn, iyagana loo diiday in halkaas la geeyo.
"Xabsiga waxaa nagula jira maxaabiis kale oo ajnabi ah, maalin walba waa la qaadaa innaga ma jirto cid halkan naga qaadaysa, mas'uulka xabsiga dhowr jeer ayaa u gudbinay cabasho, balse wuxuu noogu jawaabay in safaadda Soomaalidu aysan wax jawaab ah soo siin," ayuu yiri maxbuuska la hadlay BBC-da.
Dalka Liibiya ayaa wuxuu marin u yahay kumannaan Afrikaan ah oo doonaya inay u gudbaan dalalka Yurub si ay halkaas nolol uga helaan, waxaase badda u dhexeysa Talyaaniga iyo Liibiya ku dhinta sannad walba kumannaan qof oo tahriibayaal ah.
Maxaabiistan Soomaalida ah iyo kuwa kale ee ajnabiga ah ee kula jira xabsiga ayaan wax maxkamad la horeyn, waxayna sheegeen in cunnada iyo cabiddu ay aad ciriiri ugu tahay.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Tahriibayaal Soomaaliyeed oo ku xiran dalka Liibiya oo ka cabanaya Xorriyad la'aan iyo inaan loo ogoleyn in dalkooda lagu celiyo
More News
- XASAN SHEEKH MAXAMUUD: "Qaraxyadii Argagaxisada ahaa nagama leexin doonaan Jidka Horumarka iyo Isbedelka"
- Qoysas badan oo ku guryo beelay dab Qabsaday mid ka mid ah xeryaha ay ku jiraan barakacayaasha ee Magaalada Boosaaso
- Ururka Suxufiyiinta Somaliland oo Cambaareeyey xariga laba Wariye loogu geystay Magaalada Boorame ee Gobolka Awdal
- Al-shabaab oo sheegtay inaysan dagaalka joojinayn inta ay ka gaarayso in Somalia oo dhan lagu xukumo diinta Islaamka
- Bannaanbax lagu Taageerayay Madaxweynaha Soomaaliya oo ka dhacay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay
- Taliska Milateriga Soomalaiya oo sheegay inay ku wajahan yihiin Degmada Jowhar ee Gobolka Shabeellada dhexe
- Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in Shaqaalaha dowladda uusan wax saameyn ku yeelanayn isbedelka dhacay
- Dowladda Mareykanka iyo Qaramada Midoobay oo si adag u cambaareeyay Weerarkii lagu qaaday Madaxweynaha Soomaaliya