Khamiis, September 13, 2012 (HOL) — Tajamuca Islaamka Soomaaliya ayaa
bayaan ay soo saareen maanta oo Khamiis ah waxay hambalyo ugu direen
madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo 10-kii bishan
lagu doortay kulan uu baarlamaanku ku yeeshay Muqdisho.
![]() |
"Maamulka Tajamuca Islaamka Soomaaliya wuxuu hamblayo iyo teero ku aaddan doorashadii ka dhacday magaalada Muqdisho 10-kii September ee lagu doortay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud u dirayaan madaxweynaha iyo shacabka Soomaaliyeed," ayaa lagu yiri bayaan uu soo saaray Tajamuca.
Sidoo kale, bayaanka Tajamuca ayaa lagu sheegay in madaxweynaha cusub ay Alle uga baryayaan inuu inuu la garab-galo xilka culus ee loo doortay. Sidoo kalena waxay shacabka Soomaaliyeed ugu baaqeen inay la shaqeeyaan dowladda cusub.
Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, ayaa doorashadii dhacday toddobaadkan kaga guuleystay madaxweynihii hore, Shariif Sheekh Axmed oo muddo saddex sano iyo bar ah hayay xilka kaddib markii sannadkii 2009 lagu doortay dalka Jabuuti.
Xasan Sheekh ayaa noqonaya madaxweynihii saddexaad oo si dimuqraaddi ah loogu doorto dalka gudihiisa, waxaana doorashadiisa soo dhaweeyay dhammaan dunida, gaar ahaan ururrada caalamiga ah sida Qaramada Midoobay iyo ururro diimeedyada Soomaaliya.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
