4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 13, 2012
Madaxweynaha Uganda oo sheegay in Doorashada Madaxweyaha cusub ay caddeyn u tahay in Soomaaliya ay heshay dowlad buuxda

Khamiis, September 13, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni oo ka hadlay doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Max'ud ayaa sheegay inay caddeyn u tahay in Soomaaliya ay heshay dowlad buuxda kaddib 21-sano oo colaado ay ka jireen.

Museveni ayaa sheegay in dowladdiisa ay ka go'an tahay inay si niyad sami ah ula shaqeyso dowladda cusub ee Soomaaliya, gaar ahaan la dagaalanka Al-shabaab oo uu ku sheegay koox kasoo horjeedda nabad ka dhalata Soomaaliya.

"Soomaaliya waxay heshay dowlad buuxda... taasina waxay ka dhigan tahay inay shacabka Soomaaliyeed ka gudbeen dhibaatadii 21-ka sano ay ku jireen," ayuu ku yiri Museveni warsaxaafadeed uu xafiiskiisa kasoo saaray.

Museveni wuxuu sidoo kale farriintiisa ku sheegay in dowladda Uganda ay siinayso tixgelin gaar ah mas’uuliyiintii dowladdii hore oo uu ka mid yahay madaxweynihii laga guuleystay, Shariif Sheekh Axmed iyo saaxiibadiisii la saxiixay qorshihii Road-mapka ee Soomaaliya looga saaray xilligii KMG-nimada ahaa.

Dalka Uganda ayaa waxaa Soomaaliya uga sugan kumannaan askari oo qayb ka ah howgalka Midowga Afrika ee AMISOM ay kawaddo Soomaaliya, waxaana Uganda ay muddo dheer lugta kula jirtay siyaasadda Soomaaliya.

Madaxweynaha Uganda, Museveni ayaa inta badan isha ku hayay Soomaaliya tan iyo markii ay dhacday dowladdii dhexe ee Soomaaliya sannadkii 1991-kii, isagoo ku yimid Muqdisho booqasho sannadkii 1992-kii iyo sannadkii 2010.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya