Khamiis, September 13, 2012 (HOL) — Magaaladda Gaarisa ee gobolka Selel ayaa dab weyni qabsaday, kaas oo guryo badan ay ku shuf beeleen, ka dib markii la waayey wax lagu bakhtiiyo, balse ay dadku gacantoodda ku bakhtiiyeen dabkii oo aad u weynaa.
Magaaladan Gaarisa oo ku taalla galbeedka Somaliland, ayaan la garanayn waxa sababay dabkaasi, halka wararka qaar sheegayaan inuu dabku ka dhashay Qumac Rasaasta waaweyn ah oo ka hadhay hub ooli jiray dawladdii hore ee Maxamed Siyaad Bare oo xarun ciidan u ahayd.
Ilaa imika ma jiraan warar rasmi ah oo kasoo baxay maamulka degmada Saylac oo ay magaaladdu hoos timaado, haseyeeshee waxa la sheegayaa inay dhawr qof ku dhaawacmeen, hanti badana ku gubatay, maadaama oo halka uu dabku ka qarxay ay ahayd badhtamaha magaaladda.
Dhinaca kale, Laba hablood oo yaryar oo joogay magaaladda Boon ee gobolka Awdal, ayaa ku dhaawacmay miino ku qaraxday, kaas oo la sheegay inay caruurtu ku ciyaaraysay.
Labadan caruur ayaa la kala yidhaa Xanaan Cilmi Cabdilaahi iyo Raxma Mahdi Faarax, da’ooduna lagu sheegay lix jir iyo shan jir, waxaana wararku sheegayaan inay caruurtu ku ciyaaraysay Miinadda oo la sheegay in Roobab maalmihii u dambeeyey magaaladda ka da’ayey ay dibadda u soo saareen.
Hay’adda miino baadhista ee Hallo Trust oo deganaa meel u dhow ayaa usoo gurmadeen qaraxa dhacay, isla markaana qayb kale oo aan wali qarxin ka qaaday meeshii uu qaraxu ka dhacay.
Inta badan waxa dhacda in miinooyinkii hore loo aasay ay daadadku wakhtida roobka soo saareen, kaas oo caruurta ku ciyaarto, ka dibna ay ku qaraxda, waxaanay miinooyinkaasi galaafteen dad iyo duunyo badan.
Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland
Dab baabi’iyey guryo ku yaallay magaalada Gaarisa ee gobolka Selel iyo laba Caruur ah oo Miinno dhaawacday
More News
- Tajamuca Islaamka Somalia u hambalyo u diray Madaxweyaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud
- Madaxweynaha Somaliland oo amar ku bixiyay inaan ololaha doorashada loo adeegsan Hantidda Dadweynaha
- Madaxweynaha Uganda oo sheegay in Doorashada Madaxweyaha cusub ay caddeyn u tahay in Soomaaliya ay heshay dowlad buuxda
- Xisbiyadda UDUB IYO NASIYE oo Qaadacay Doorashada Golaha Deegaanka Somaliland iyo guddida doorashooyinka oo ka hadlay
- Cudurka Daacuunka oo dad badan ku dilay Deegaanka Hoosingow iyo Waxgaradka oo Hay'adaha Gargaarka u diray Qaylo-dhaan
- Midowga Dhalinyarada Soomaaliyeed ee UYS oo Odayaasha Dhaqanka u qabtay Dood ku saabsan Gargaarka Bani'aadamnimada
- Ururka Islaax oo u hambalyeeyay Madaxweynaha Soomaaliya, doorashadii dhacdayna ku tilmaamay Isbedel Siyaasadeed
- Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya oo si lama filaan ah loogu raray Madaxtooyada kaddib markii la weeraray Hoteelkii uu deggenaa