4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 13, 2012
Madaxweynaha Somaliland oo amar ku bixiyay inaan ololaha doorashada loo adeegsan Hantidda Dadweynaha
Khamiis, September 13, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), ayaa soo saaray degreeto uu ku mamnuucay in doorashooyinka loo isticmaalo hantidda dadweynaha, ciidamadda dawladda, ururada aan dawliga ahayn, maamulada gobolada iyo degmooyinka, maadaama oo ay yihiin wax ummadda ka dhexeeya.


“Madaxweynaha Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Digreeto Madaxweyne oo Numberkeedu yahay N0:  0264/092012, ku dhaqan geliyey Wareegtadan”ayaa lagu yidhi war-saxaafadeed ka soo baxday xafiiska madaxtooyadda..

Degreetadan waxay lagu socodsiiyey inay ka reebanaada arrimaha doorashooyinka iyo ololaha xisbiyada tartamayaa, Dhammaan Wasaaraddaha JSL,  Dhammaan Hay’adaha Madaxa Bannaan ee Dawlada,     Dhammaan Ciidamada Jamhuuriyadda Somaliland,   Hay’adda Sirdoonka Qaranka, Dhammaan Maamullada Gobollada iyo Degmooyinka,   Guddoomiyaha Guddiga Caddaaladda,  Ururada aan Dawliga ahayn in cid gaar ah u ololeeyaan ama lagu taageero.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in markii uu arkay qodobadda dastuurka iyo xeerka doorashooyinka   Golayaasha Deegaanka iyo Madaxtooyada, Xeer Lr.20/2001, Markuu Tixgeliyey   Habsami-u-socodka Doorashooyinka, Hannaanka Dimuqraadiyadda iyo dhex-dhexaadnimada.  Wuxuu soo Saaray Wareegtadan Maamul oo ka reebaysa; Ciidamada, Ururada aan Dawliga ahayn, Shaqaalaha Dawladda, Xubnaha Ka tirsan Garsoorka, Xeer Ilaalinta, Guddida Diwaangelinta Ururada Siyaasadda iyo Ansixinta Xisbiyada Qaranka iyo Guddida Doorashooyinka Qaranka aanay wax lug ah ku yeelan doon arrimaha siyaasadda iyo doorashooyinka.

Madaxweynuhu waxa uu xusay inay ka reeban tahay     In dhammaan Mas’uuliyiinta Xukuumadda heer kasta oo ay leeyihiin ku ololeeyaan hantida Dawlada; sida, Lacagta Dawladda iyo Gaadiidka Dawladda.

In Boodhadhka iyo Waraaqaha Ololaha Doorashooyinka lagu dhejiyo Gaadiidka Dawladda, Masaajidada, Xafiisyada, Xarumaha Diblamaasiyiinta iyo Ururada Caalamiga ah.  

Haseyeeshee, Maalmihii u dambeeyey ayaa xisbiga Taladda haya ee KULMIYE lagu eedeynayey in hawlaha xisbiga ee doorashooyinka ku galayeen gaadiidka dawladda, iyagoo masuuliyiinta goboladda iyo wasiirada xukuumadda ay badhitaarayaan xisbiga.

Dhinaca kale, Guddida Doorashooyinka ayaa ururadda iyo xisbiyada u qabtay xaflad ay ku saxeexayaan xeer hoosaadka anshaxa ee doorashooyinka lagu gali doono, kuwaas oo u hogaansanaan doona nidaamka ay guddidu u qorshaysay, isla markaana la samayn doono guddida anshaxa iyo ilaalinta nidaamka loo dajiyey ololaha iyo doorashadda golaha deegaanka ee bisha November ee sanadkan la filayo inay dhacaan.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland