4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 13, 2012
Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya oo si lama filaan ah loogu raray Madaxtooyada kaddib markii la weeraray Hoteelkii uu deggenaa
Madaxweyne.jpg
Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud oo shir jaraa'id qabanayay markii lasoo weeraray

Khamiis, September 13, 2012 (HOL) - Madaxweynaha xilka kasii dagaya Shariif Sheekh Axmed ayaa si lama filaan ah uga raray hoteelkii uu deganaa madaxweynaha cusub ee dalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud.

Waxaana Madaxweyne Shariif uu tallaabadan qaaday kadib markii uu madaxweynaha cusub ka badbaaday isku day dil oo ay sheegatay inay ka dambaysay Alshabaab.

Warar hoose oo ay Hiiraan Online heshay ayaa sheegaya in madaxweyne Shariif oo si dhakhso ah ku soo gaaray hoteelka Jazeera oo uu deganaa madaxweynaha cusub, islamarkaana uu u qaaday dhanka madaxtooyada, iyagoo  wada raacay gaariga gaarka ah ee madaxweyne Shariif, wax yar kadib markii lasoo weeraray madaxweynaha cusub.

Waxayna intaas wararku ku darayaan in madaxweyne Xassan Sheekh la dajiyay qaybta martida ee qasriga madaxtooyada, maadaama aysan wali si rasmi ah u dhicin xil wareejintii.

Kulan ay qaateen maalin kadib markii la doortay madaxweynayaha cusub, madaxweyne Shariif iyo gudoomiyaha baarlamaanka ayaa lagu lafa guray sidii ay awooda ula kala wareegi lahaayeen labada masuul, iyadoo gudoomiyaha baarlamaanka uu shaaciyay maalintii shalay ahayd in xaflada xil wareejinta la qaban doono maalinta axada ah ee soo socota.

Shariif ayaa digreeto uu soo saaray ku wareejiyay dhammaan ciidamada qalabka sida inay ka amar qaataan madaxweynaha cusub, taasoo la sheegay in looga gol leeyahay adkaynta ammaanka dalka.

Tallaabooyinka uu qaadayo madaxweynaha xilka kasii dagaya ayaa loo arkaa, kuwo uu kaga dhabaynayo ballanqaadkiisii ku aadana inuu la shaqayn doono madaxweynaha cusub, taasoo uu ku daray khudbadii uu jeediyay markii looga adkaaday doorashadii dhacday 10-kii bisha.

Madaxweyne Sheekh Shariif oo xukunkiisu ku egyahay 16-ka bishan ayaan wali shaacin halka uu ku noolaan doono iyo mustaqbalkiisa siyaasadeed midna, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan inuu qorshaynayo inuu u guuro dalka dibadiisa.

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya