3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 13, 2012
Xisbiyadda UDUB IYO NASIYE oo Qaadacay Doorashada Golaha Deegaanka Somaliland iyo guddida doorashooyinka oo ka hadlay
Khamiis, September 13, 2012 (HOL) — Xisbiga UDUB iyo Urur siyaasadeedka NASIYE ayaa sheegay inay qaadaceen doorashooyinka golaha deegaanka ee dhawaan la filayo inay dalka ka dhacaan, iyagoo sheegay inaanay doorashadaasi ka qaybgali doonaanin.

Labaddan xisbi ayaa hay’adaha ka caawiya Somaliland doorashooyinka u sheegay inay soo faro-galiyaan arrimaha jira, maadaama oo waxyaalo badan oo caqabad ku ah doorashooyinka ay jiraan.

“Maanta markii aanu dib iskugu noqonay xubnaha xisbiga  UDUB intiisii madaxda ka ahayd iyo intii gobolada iyo degmooyinka madaxda ka ahayd waxaanu mar labaad ku celinaynaa inaan go,aankayagii ahaa in xisbiga Udub  uu qaadacay doorashooyinka golaha deegaanka oo aanaan galaynin ka noqosho lahayn”ayuu yidhi Axmed Xaaji Daahir oo musharax madaxweyne ku xigeenk ka ah xisbiga UDUB.

Xisbiga UDUB ayaa sheegay in aanay wali wax qanciya aanay ka helin guddida doorashooyinka iyo xukuumadda oo ay waraaq ay u qoreen, taasina ay ka dhigan tahay in aan la isku joojinayn, sidaa darteed ay Somaliland ku horumartay is dhagaysi iyo is ixtiraam balse ay xukuumada iyo guddida doorashooyinka wax jawaab ah ka helin codsigii ay u qoreen ee ahaa in dib loogu dhigo wakhtiga la soo xaraynayo musharaxiinta xisbigoodda, lana dhagaysto cabashadoodda.

Sidoo kale, Ururu Siyaasadeedka NASIYE ayaa isna sheegay in aanu ka qaybgalayn doorashooyinka soo socda, isla markaana uu qaadacay, ka dib markii caqabado badan ay kala kulmeen qaabka hawsha loo waddo iyo nidaam adag oo uu sheegay inuu dabrayo musharaxiinta.

Gudoomiyaha NASIYE Axmed Maxamuud Cumar ayaa gudoomiyaha golaha Wakiilada oo ah gudoomiyaha urur siyaasadeedka WADANI Md: Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ku eedeeyey inuu is leekaysiiyey xeerarkii doorashooyinka, isla markaana xeerka doorashoyinka ka dhigay mid isaga u danaynaya, taasinna ay caqabad ku noqotay ururadii kale.

Gudoomiyaha Nasiye waxa kale oo uu tilmaamay lacagta cashuurta ah ee laga qaadayo musharaxiinta golaha deegaanka ee degmooyinka ay ahayd siday degmooyinku u kala darajo sareeyaan ay u kala lacag badato, balse ay isku mid ka dhigeen degmooyinka waaweyn iyo kuwa yaryar, taas oo keentay buu yidhi in ururadda qaarkood ay musharaxiintooda ka bixiyaan lacagta cashuurta ah ee laga rabo, balse ay iyagu arrintaasi ka biyo diideen.

Dhinaca kale, xubno ka tirsan xisbiga UDUB ayaa sheegay in xisbigu taariikh weyn leeyahay, isla markaana aanu baabi’karin, waxaanay uga digeen ururada iyo xisbiyada kale rag magaca xisbiga UDUB sidata aanay ku biiri Karin, maadaama oo xisbigu doorashada uun ka hadhayo balse uu sidiisii ahaan doonno.

Si kastaba ha ahaatee, guddida doorashooyinka Somaliland ayaa sheegay inaan waxba laga bedelayn qaabkii ay u qorsheeyeen doorashooyinka,isla markaana ururadda diyaarka u ah inay galaan ay u qabanayaan doorashooyinka, haseyeeshee guddidu si rasmiya ugamay jawaabin xisbiyadan qaadacay doorashooyinka soo socda iyo waxay ka cabanayaanba.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online  
[email protected]
Hargeysa, Somaliland











Click here
9/13/2012 9:13 AM EST
Khamiis, September 13, 2012 (HOL) — Tajamuca Islaamka Soomaaliya ayaa bayaan ay soo saareen maanta oo Khamiis ah waxay hambalyo ugu direen madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo 10-kii bishan lagu doortay kulan uu baarlamaanku ku yeeshay Muqdisho.

9/13/2012 8:38 AM EST
Khamiis, September 13, 2012 (HOL) — Magaaladda Gaarisa ee gobolka Selel ayaa dab weyni qabsaday, kaas oo guryo badan ay ku shuf beeleen, ka dib markii la waayey wax lagu bakhtiiyo, balse ay dadku gacantoodda ku bakhtiiyeen dabkii oo aad u weynaa.

9/13/2012 8:23 AM EST
Khamiis, September 13, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), ayaa soo saaray degreeto uu ku mamnuucay in doorashooyinka loo isticmaalo hantidda dadweynaha, ciidamadda dawladda, ururada aan dawliga ahayn, maamulada gobolada iyo degmooyinka, maadaama oo ay yihiin wax ummadda ka dhexeeya.

9/13/2012 8:09 AM EST
Khamiis, September 13, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni oo ka hadlay doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Max'ud ayaa sheegay inay caddeyn u tahay in Soomaaliya ay heshay dowlad buuxda kaddib 21-sano oo colaado ay ka jireen.

9/13/2012 7:25 AM EST
Khamiis, September 13, 2012 (HOL) — Ugu yaraan 14-qof ayaa u dhintay cudurka daacuunka oo ka dillaacay deegaanka Hoosingoow ee gobolka Jubbada hoose oo 160-km dhinaca koonfureed kaga beegan degmada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.

9/13/2012 6:50 AM EST
Khamiis, September 13, 2012 (HOL) — Midowga dhalinyarada Soomaaliyed ee UYS ayaa maanta magaalada Muqdisho ugu qabtay odayaasha dhaqanka dood-cilmiyeed looga hadlayay sidii looga hortagi lahaa in is-hortaaga lagu sameeayo gar-gaarka bani'aadanimada iyo dhaca loo geysto.

9/13/2012 3:28 AM EST
Khamiis, September 13, 2012 (HOL) — Ururka Islaax oo ka mid ah ururrada diiniga ah ee ka jira Soomaaliya ayaa hambalyeynayo u diray madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud; iyagoo sheegay in doorashadan ay tusaale u tahay isbedel siyaasadeed oo dalka ka dhacay.

9/13/2012 2:18 AM EST
Khamiis, September 13, 2012 (HOL) - Madaxweyniha xilka kasii dagaya Shariif Sheekh Axmed ayaa si lama filaan uga raray hoteelkii uu deganaa madaxweynaha cusub ee dalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud.