Sabti, September 01, 2012 (HOL) — Guddiga doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ayaa maanta soo saaray shuruudaha looga baahan yahay murashaxiinta u tartamaya xilkan, waxaana shuruudaha ka mid ahaa in murashax walba uu bixiyo 10,000 oo doollar oo diiwaan-gelin ah.
Afhayeenka guddiga doorashada, Cismaan Libaax Ibraahim oo kulan ay yeesheen kaddib la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in muwaadin kasta oo Soomaali ah uu u tartami karo xilka madaxweynenimo ee dalka, balse loo baahan yahay inuu yahay qof aa dambi culus oo ay maxkamadi xukuntay, aysanna da'diisu ka yaraan 40-sano.
"Musharax walba waxaa laga doonayaa inuu soo gudbiyo arjigiisa iyo warqad ay ku caddatay taariikhdiisa waxbarasho iyo midiisa shaqo, waana inuu yahay qof karti iyo aqoon u leh howsha loo dhiibayo," ayuu yiri xildhibaan Cismaan Libaax.
Guddiga doorashada ayaa waxay shalay shaaciyeen in 10-ka bishan September ay dhici doonto doorashada madaxweynaha Soomaaliya, iyadoo shuruudaha lagu xiray murashaxa ay ka mid yihiin inuusan ahayn qof dhimirka wax ka qaba.
Afhayeenka guddiga oo saxaafaddu ay wax ka weydiisay arrintan ku saabsan in laga doonayo murashax walba inuu 20 xildhibaan ka hayso taageero ayaa wuxuu sheegay in arrintaas ay uga fursan waayeen baarlamaanka ayna berri horgelin doonaan baarlamaanka, go'aankii la gaarana la shaacin doono.
Xilka madaxweynenimo ee Soomaaliya ayaa waxaa u taagan murashaxiin fara badan oo Muqdisho kawada olole xoog leh, waxaana murashaxiintaas ka mid ah siyaasiyiin fara badan oo mid walba uu hanqal kaga jiro inuu xafiiska madaxweynaha fariisto.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Guddiga Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo soo saaray Shuruudaha looga baahan yahay Murashaxiinta
More News
- Ciidamo ka cabanaya mushahar la'aan oo muddo saacado ah xiray jidka gala magaalada Boosaaso
- Suxufiyiinta Qaaradda Afrika oo isku raacay inay Tabiyaan Dhacdooyinka Soomaaliya, gaar ahaan guulaha AMISOM iyo dib u dhiska
- Saraakiisha Maamulka Gobolka Hiiraan oo sheegay inay fashiliyeen Walxo Qarxa oo la damacsanaa in lagu Weeraro Ciidamada
- Jaamacadda Muqdisho oo Toddobaadka Dhaqanka u soo gabgabeysay 15,00 arday oo Jaamacadda kusoo biiray
- Farmaajo oo ka digay in hantida qaranka loo isticmaalo ola’olaha doorashada
- Guddiga Doorashada Madaxweynaha Somalia oo qorsheynaya inay Shuruudo adag ku xiraan Murashaxiinta Tartamaya
- Dagaallo Saaka Mar kale ka qarxay Gobolka Jubbada Hoose iyo Maydad Saaka lagu Jiid-jiidayo Magaalada Kismaayo
- Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo oo Wasiir iyo Wasiir ku xigeen cusub u magacaabay Wasaaradda Warfaafinta Somaliland