3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 1 , 2012
Dagaallo Saaka Mar kale ka qarxay Gobolka Jubbada Hoose iyo Maydad Saaka lagu Jiid-jiidayo Magaalada Kismaayo

Sabti, September 01, 2012 (HOL) — Wararka aynu ka heleyno magaalada Afmadow ee gobolka Jubada hoose ayaa sheegaya in saaka aroortii uu mar kale deegaanka Miido ka qarxay dagaal xooggan oo u dhexeeya ciidmaada dowladda Soomaaliya, kuwa Raaskaambooni iyo militariga Kenya oo isku dhinac ah iyo Xarakada Al-shabaab.

Dagaalka saaka ayaa waxaa qaaday ciidamada huwanta ah, waxaana lagu soo waramayaa in labada dhinac ay isu adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoona dagaalka saaka uu yahay mid ka kulul kii shalay ilaa xalay ka socday deegaankaasi.

Lama oga khasaaraha kala gaaray dhinacyada dagaalamaya haseyeeshee saraakiil u hadashay labada dhinac ayaa guulo ka sheegtay waxaana dhinac walba uu ku andacoonayaa in uu khasaare lixaad leh u geystay dhanka kale.



Xaaladda gobolka Jubada hoose ayaa kacsan, waxaana afhayeenka dowladda Kenya Emanuel Chirchir uu sheegay in uu dagaalka soconayo inta ay gacanta uga dhigayaan magaalada Kismaayo.

Dhanka kale waxaa maanta lagu jiidjidayaa wadooyinka magaalada Kismaayo meydadka afar askari oo laba kamid ah ay yihiin Soomaali halka kuwa kalena ay yihiin Kenyan, kuwaasoo ay xoogagga Al-shabaab ku dileen dagaalkii shalay ilaa xalay ka socday deegaanka Miido.

Boqollaal dadweeyne ah ayaa isugu soo baxay wadooyinka magaalada Kismaayo, waxaana lagu wareejinayaa meydadka afarta askari oo lagu daba xiray gaadiid islamarkaasina dhulka lagu jiidayo.

Dagaal xooggan oo shalay ilaa xalay ka socday duleedka Afmadow ayay xoogagga Al-shabaab u suurogashay in ay gudaha u galaan magaalada Afmadow, waxaana saaka xaaladda gobolka Jubada hoose ay tahay mid kacsan, iyadoona magaalada Afmadow ay soo gaareen gurmadyo cusub oo u yimid ciidamada Kenya ee dagaal ka wada Jubooyinka.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya












Click here
9/1/2012 11:50 AM EST
Sabti 1-da September 2012(HOL): Ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland oo saldhig ku leh tuuladaKalabayr, oo magaalada Boosaaso qiyaastii 60km dhinaca koonfurta kaga beegan,ayaa maanta gelinkii hore muddo saacado ah xanibay isu socodka gaadiidka ee wadada magaaladaBoosaaso gasha.

9/1/2012 10:10 AM EST
Sabti, September 01, 2012 (HOL) — Guddiga doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ayaa maanta soo saaray shuruudaha looga baahan yahay murashaxiinta u tartamaya xilkan, waxaana shuruudaha ka mid ahaa in murashax walba uu bixiyo 10,000 oo doollar oo diiwaan-gelin ah.

9/1/2012 8:57 AM EST
Sabti, September 01, 2012 (HOL) — Suxufiyiinta Afrika ayaa ku heshiiyay inay tabiyaan dhacdooyinka Soomaaliya sida guuulaha ay gaaraan ciidamada Midowga Afrika ee AMSIOM iyo dadaallada dib loogu dhisayo Soomaaliya.

9/1/2012 8:11 AM EST
Sabti, September 01, 2012 (HOL) — Saraakiisha nabad-galyada maamulka gobollka Hiiraan ayaa sheegay in ay saakay fashiliyeen miino lala dabacsanaa in lagu weeraro ciidamada maamulka iyo kuwa dowladda Itoobiya.

9/1/2012 8:10 AM EST
Sabti, September 01, 2012 (HOL) — Jaamacadda Muqdisho ayaa waxay Khamiistii u soo gabagabeysay 1500 oo arday barnaamij loogu magacdaray toddobadka dhanka ee jaamacadda Muqdisho oo loo qabto ardayda cusub ee jaamacadda kusoo biira si loo baro dhaqanka iyo maamulka jaamacadda.

9/1/2012 7:54 AM EST
Musharraxa madaxtinimada Soomaaliya, Maxamed C/laahi Farmaajo oo maanta soo saaray warsaxaafadeed ayaa ka dalbaday baarlamaanka cusub ee Soomaaliya inay dhisaan guddi ku meel gaar ah oo ilaaliya hantida qaranka inta laga soo dooranayo xukuumad cusub.

9/1/2012 5:26 AM EST
Sabti, September 01, 2012 (HOL) — Guddiga diyaarinta doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxay wadaan qorshayaal ay ku doonayaan inay shuruudo adag ku xiraan xubnaha u tartamaya kursiga talada dalka, waxaana shuruudahaas ka mid ah inay bixiyaan lacago ka badan 5,000 oo dollar iyo inuu murashaxu yahay mid aqoon iyo waayo-aragnimo hoggaamineed leh.

9/1/2012 4:35 AM EST
Sabti, September 01, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamuud Maxamed (Siilaanyo) ayaa wasiir iyo wasiir ku xigeen cusub u magacaabay wasaaradda warfaafinta Somaliland, kaddib markii khilaaf awgiis xilka looga qaaday wasiirkii hore ee wasaaraddaas.