"Waxaa wanaagsan in ardayga uu akhlaaq wanaagsan ku daro cilmiga uu baranayo, haddii taas uu sameyn waayana ma gaarayo heerkii laga rabay," ayuu yiri Dr Cali Sheekh Axmed Abuubakar oo ah guddoomiyaha jaamacadda Muqdisho. "In howl aad sameysay ay najaxdo waxay ku xiran tahay kalsoonida lagu siiyo."
Guddoomiyuhu oo hadalkiisa sii wata ayaa mar kale yiri: "Hoggaamiye kasta waxaa lagu dhisay waxay ummadi rumeysan tahay. Qofkii wax ka baxsan la yimaada ma lagu tilmaami karo hoggaamiye, sidaad darteen jaamacadda Muqdisho waxay soo saaraysaa hoggaamiye dhab ah oo xambaarsan farriin ku saleysan wadatashi iyo walaanimo."
Dr. Cali Sheekh wuxuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay in tacliintu ay tahay sida geed ama ubax la beero. Sidaa darteed waa in la siiyaa biyo illaa inta uu xoog yeelanayo, waana taas ujeeddada ay jaamacadda Muqdisho hiigsanayso.
Madaxa ardayda jaamacadda Muqdisho, Ustaad Maxamuud Sheekh Cali ayaa soo dhaweeyay ardayda ka qaybqaadatay toddobaadka dhaqanka, isagoo kula taliyay inay dulqaad u yeeshaan waxbarashada muddada ay jaamacadda dhiganayaan.
Ugu dambeyn, 1500 arday ee ku biiray jaamacadda Muqdisho ayaa waxaa siyaabo kala duwan dardaaran ugu jeediyay macallimiinta, hormuudyada iyo maamulka guud ee jaamacadda Muqdihso, iyagoo kula dardaarmay inay dhexda u xirtaan muddada waxbarashada.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya