Sabti, September 01, 2012 (HOL) — Suxufiyiinta Afrika ayaa ku heshiiyay inay tabiyaan dhacdooyinka Soomaaliya sida guuulaha ay gaaraan ciidamada Midowga Afrika ee AMSIOM iyo dadaallada dib loogu dhisayo Soomaaliya.
Qodobkan ayaa ka mid ahaa go'aanno kasoo baxay shir looga hadlayay sharciyada saxaafadda iyo warbaahintu ay ka qaybqadato howlagallada nabadda lagu sugayo oo ay ka qaybgaleen wariyeyaal iyo saraakiil ka socda AMISOM.
Sidoo kale, waxaa lagu heshiiyay in la dhiso awoodda suxufiyiinta Soomaalida, lana sameeyo xiriir dhexmara suxufiyiinta Soomaaliyeed. Iyadoo la ogyahay in sannadkan oo keliya lagu dilay gudaha Soomaaliya sagaal wariye, sidoo kalena lagu dhaawacay 16 wariye oo kale.
"Al-shabaab aad ayay u laciiftay. AMISOM waxay tababarro siisaa ciidamada dowladda si ay u xoojiso. Tababarka ciidamada Soomaaliya la siinayana waa mid loogu talogalay in sare loogu qaado awoodooda," ayuu yiri Basile Gateretse oo ka socday ciidamada AMISOM.
Xarakada Al-shabaab oo dagaal kula jira ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM horayna ugu dhawaaqday inay ku biirtay shabakadda Al-Qaacida ayaa weli ka talisa inta badan Soomaaliya.
"Siyaasad ahaan, waxaa jira horumarro waaweyn, kuwaasoo ay ku tusin karaan in baarlamaanka Soomaaliya lagu dhisay Muqdisho iyo inuu doortay afhayeen cusub iyo ku xigeennadiisa," ayuu yiri sarkaalka ka socday AMISOM.
Basile Gateretse ayaa sheegay in AMISOM ay howlo aan ahayn kuwa milateriga ka waddo Soomaaliya, kuwaasoo ay ka mid yihiin: dhismaha waddooyinka, iskuullo iyo xarunta baarlamaanka Soomaaliya, sidoo kalena ay qabtaan howlo adeegga shacabka ah oo ay ka mid yihiin: xarumo shacabka lagu tababaro, qodista ceelal biyoodyo iyo kuwo kale.
Soomaaliya oo dagaallo ay ka socdeen 20-sano ayaa waxaa hadda ka muuqada isbedel weyn, ayaa waxaa ku sugan ciidammo ka socda dalalka Burundi iyo Uganda oo horseed u ah howgalka AMISOM oo howgalladooda ay rajo weyn geliyaan dalalka gobolka iyo kuwa caalamka.
"Markii aad fiiriso Soomaaliy, tusaale ahaan dhaqdhaqaaqa garoonka waa mid aad u heer sarreeya maanta, duulimaadyo badan ayaa taga, waxaana filayaa inuu la mid yahay garoomada kale ee Afrika," ayuu yiri Basile.
Khaalid Maxamed oo ka mid ahaa suxufiyiintii Soomaaliyeed ee kulanka ka qaybgalay ayaa sheegay in AMISOM ay gacan ka geysatay dhismaha saddex Isbitaal oo ku yaalla Muqdisho, ayna sidoo kale ilaalo ammaanka saraakiisha dowladda Soomaaliya.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Suxufiyiinta Qaaradda Afrika oo isku raacay inay Tabiyaan Dhacdooyinka Soomaaliya, gaar ahaan guulaha AMISOM iyo dib u dhiska
More News
- Ciidamo ka cabanaya mushahar la'aan oo muddo saacado ah xiray jidka gala magaalada Boosaaso
- Guddiga Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo soo saaray Shuruudaha looga baahan yahay Murashaxiinta
- Saraakiisha Maamulka Gobolka Hiiraan oo sheegay inay fashiliyeen Walxo Qarxa oo la damacsanaa in lagu Weeraro Ciidamada
- Jaamacadda Muqdisho oo Toddobaadka Dhaqanka u soo gabgabeysay 15,00 arday oo Jaamacadda kusoo biiray
- Farmaajo oo ka digay in hantida qaranka loo isticmaalo ola’olaha doorashada
- Guddiga Doorashada Madaxweynaha Somalia oo qorsheynaya inay Shuruudo adag ku xiraan Murashaxiinta Tartamaya
- Dagaallo Saaka Mar kale ka qarxay Gobolka Jubbada Hoose iyo Maydad Saaka lagu Jiid-jiidayo Magaalada Kismaayo
- Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo oo Wasiir iyo Wasiir ku xigeen cusub u magacaabay Wasaaradda Warfaafinta Somaliland