4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 1 , 2012
Ciidamo ka cabanaya mushahar la'aan oo muddo saacado ah xiray jidka gala magaalada Boosaaso

Sabti 1-da September 2012(HOL): Ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland oo saldhig ku leh tuuladaKalabayr, oo magaalada Boosaaso qiyaastii 60km dhinaca koonfurta kaga beegan,ayaa maanta gelinkii hore muddo saacado ah xanibay isu socodka gaadiidka ee wadada magaalada Boosaaso gasha.

Sarkaal ka tirsan ciidamada jidka xiray oo ka gaabsaday in magaciisala shaaciyo, ayaa HOL u sheegay in sababta arintan ka danbeysaa ay tahay kadibmarkii aysan dowladu muddo 2 bilood ah wax mushahar ah siin, wuxuuna intaas ku daray, in horay loogu sheegay marka la gaaro bishaSep in ay lacagahooda heli doonaan, haseyeeshee maanta lagu wargeliyey in lasiinayo mushaharka hal bil, midda kalena ay dib ka qaadan doonaan, taasina aytahay sababta ku kaliftay in ay talaabada noocan oo kale ah ku dhaqaaqaan.

Mas'uuliyiin ka tirsan wasaaradda amniga Puntland ayaa markii danbegoobta gaarey, waxayna ku guuleysteen in ay ciidamada ka dhaadhiciyaan sidii ayjidka u furi lahaayeen, iyagoo dhinaca kale u balan qaaday in sida ugu dhaqsahabadan cabashadooda looga jawaabi doono.

Inkasta oo ay xukuumadda hadda jirtaa dadaalo badan ku bixisay sidiiloo kordhin lahaa mushaharka ay ciidamadu qaataan, ayaa hadana weli waxaa jirtacabasho xooggan oo dhanka ciidamada ka imaaneysa, wuxuuna askarigu bil kastamushahar ahaan u qaataa 2,000,000 Milyan Sh.so oo u dhiganta wax ka yar 100$.

Si kastaba ha ahaatee, waxay arintani kusoo beegmeysaa xilli dhowaanmadaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed (Faroole) uu sheegay in xaaladdadhaqaaluhu ay tahay mid cakiran, isagoona sabab uga dhigay hoos u dhaca qiimahaDollarka iyo Shilin Soomaaliga oo suuqyada ku yaraaday. Bishii April ee sanadkan 15-keedii ayey ahayd markii ciidamo iyaguna Daraawiishta ka tirsan,oo saldhig ku leh tuulada Laag oo magaalada Boosaaso 30km u jirtaa ay sidan ookale isu socodka gaadiidka u xanibeen.


Maxamed S. Xaaji Dirir
[email protected]
Boosaaso, Soomaaliya