Sabti, September 01, 2012 (HOL) — Saraakiisha nabad-galyada maamulka gobollka Hiiraan ayaa sheegay in ay saakay fashiliyeen miino lala dabacsanaa in lagu weeraro ciidamada maamulka iyo kuwa dowladda Itoobiya.
Howlgal ay ka sameeyeen magaalada Baladweyne ciidamada mamulka gobollka Hiiraan ee dowladda KMG iyo kuwa Itoobiya waxaa ay ku ogadeen miino lagu aasay wado ay isticmaalaan ciidamada, hasse ahaatee ay fashiliyeen ciidamada sida ay sheegeen saraakiisha maamulka gobollka.
"Ciidamada nabad-galyada subax kasta waabariga hore ayeey sameeyaan howlgal ay ku ogaanayaan waxyabaha qarxa ee dhulka lagu aaso, waxaa ay saakay fashiliyeen qarax miino la damacsanaa in lagu wax yeeleeyo shacabka iyo ciidamada maamulka," ayuu yiri taliyaha saldhiga baliiska magaalada Baladweyne, Cali Dhuux Cabdi Mahad–Alla oo la hadllayay HOL.
Taliyuhu wuxuu intaas ku daray in inta badan ay ciidamada ka hor tagaan walxaha qaraxa ka hor inta aan la adeegsan, isaga oo sheegay in ay iskaashi buuxa arintaa ka leeyihiin bulshada ku dhaqan magaalada.
Inkastoo ciidamada maamulka gobollka Hiiraan ay ka sameeyaan xaafaddaha magaalada howlgalo amniga lagu xoojinayo, ayaa haddana mar marka qaar waxaa dhaca qaraxyo sababa khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, kuwaasoo saraakiisha nabad-galyadu ku eedeeyaan in ay ka danbeeyaan Xarrakada Al-shabaaab.
Labo cisho ka hor ayeey aheyd markii sadax askari oo ka tirsan ciidamada maamulka dowladda KMG ee gobollka Hiiraan ay ku geeriyoodeen qarax miino, xili ay damacsanaayeen in ay ka soo saraan goob lagu aasay.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya
Saraakiisha Maamulka Gobolka Hiiraan oo sheegay inay fashiliyeen Walxo Qarxa oo la damacsanaa in lagu Weeraro Ciidamada
More News
- Ciidamo ka cabanaya mushahar la'aan oo muddo saacado ah xiray jidka gala magaalada Boosaaso
- Guddiga Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo soo saaray Shuruudaha looga baahan yahay Murashaxiinta
- Suxufiyiinta Qaaradda Afrika oo isku raacay inay Tabiyaan Dhacdooyinka Soomaaliya, gaar ahaan guulaha AMISOM iyo dib u dhiska
- Jaamacadda Muqdisho oo Toddobaadka Dhaqanka u soo gabgabeysay 15,00 arday oo Jaamacadda kusoo biiray
- Farmaajo oo ka digay in hantida qaranka loo isticmaalo ola’olaha doorashada
- Guddiga Doorashada Madaxweynaha Somalia oo qorsheynaya inay Shuruudo adag ku xiraan Murashaxiinta Tartamaya
- Dagaallo Saaka Mar kale ka qarxay Gobolka Jubbada Hoose iyo Maydad Saaka lagu Jiid-jiidayo Magaalada Kismaayo
- Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo oo Wasiir iyo Wasiir ku xigeen cusub u magacaabay Wasaaradda Warfaafinta Somaliland