Sabti, September 01, 2012 (HOL) — Guddiga diyaarinta doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxay wadaan qorshayaal ay ku doonayaan inay shuruudo adag ku xiraan xubnaha u tartamaya kursiga talada dalka, waxaana shuruudahaas ka mid ah inay bixiyaan lacago ka badan 5,000 oo dollar iyo inuu murashaxu yahay mid aqoon iyo waayo-aragnimo hoggaamineed leh.
Xubnaha guddiga ayaa isku raacay in doorashadu ay dhacdo 10-ka bishan September inta ka horreysana la diyaariyo doorashada qaabka ay u dhacayso, dhageysiga fikradaha murashaxiinta iyo qabashada araajida.
"Shuruudaha maanta ayaan soo saaraynaa, waxaana noo socota dooddooda," ayuu yiri afhayeenka guddiga Cismaan Libaax oo Muqdisho kula hadlayay warabahinta, isagoo afhayeenku wuxuu sheegay inay socoto dood ku saabsan in murashaxu ay ogolaadaan murashaxnimadiisa 20 xildhibaan.
Murashaxiinta u taagan xilka madaxnimo ee Soomaaliya ayaa waxay tiradooda ka badan tahay 25, kuwaasoo ay ku jiraan madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed iyo xubno kale oo aan horay loogu arki jirin siyaasadda dalka Soomaaliya.
Ololayaal doorasho oo xoog leh ayaa ka billowday Muqdisho, taasoo keentay inay murashaxiinta xilka madaxnimo u taagan ay kulammo la billaabaan xildhibaannada cusub ee baarlamaanka si ay taageero uga helaan.
Doroashada madaxweynenimo ee lagu wado inay toddobaadka soo socda ka dhaco Muqdisho ayaa waxay noqonaysaa tii ugu horreysay oo caasimadda ka dhacda muddo laga joogo 42-sano, waxaana siyaasiyiinta Soomaalida ay doorashadan ku tilmaameen mid muujinaysa horumar uu dalku tiigsanayo.
Qorshaha socda ayaa waxay Soomaaliya kaga gudbaysaa xilli ay ka talinayeen dowlado KMG ah oo lagu soo dhisay dibadda dalka, iyadoo tallaabadan ay si aad ah u soo dhaweeyeen dalalka daneeya arrimaha Somaaliya.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Guddiga Doorashada Madaxweynaha Somalia oo qorsheynaya inay Shuruudo adag ku xiraan Murashaxiinta Tartamaya
More News
- Ciidamo ka cabanaya mushahar la'aan oo muddo saacado ah xiray jidka gala magaalada Boosaaso
- Guddiga Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo soo saaray Shuruudaha looga baahan yahay Murashaxiinta
- Suxufiyiinta Qaaradda Afrika oo isku raacay inay Tabiyaan Dhacdooyinka Soomaaliya, gaar ahaan guulaha AMISOM iyo dib u dhiska
- Saraakiisha Maamulka Gobolka Hiiraan oo sheegay inay fashiliyeen Walxo Qarxa oo la damacsanaa in lagu Weeraro Ciidamada
- Jaamacadda Muqdisho oo Toddobaadka Dhaqanka u soo gabgabeysay 15,00 arday oo Jaamacadda kusoo biiray
- Farmaajo oo ka digay in hantida qaranka loo isticmaalo ola’olaha doorashada
- Dagaallo Saaka Mar kale ka qarxay Gobolka Jubbada Hoose iyo Maydad Saaka lagu Jiid-jiidayo Magaalada Kismaayo
- Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo oo Wasiir iyo Wasiir ku xigeen cusub u magacaabay Wasaaradda Warfaafinta Somaliland