Isniin, November 05, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan oo aan la garaneynin ayaa xalay weerar ku qaaday guriga uu magaalada Baladweyne ka degan yahay guddoomiye ku-xigeenka dhinaca siyaasada ee maamulka gobollka Hiiraan Cadaawe Cilmi.
Saraakiil ka tirsan maamulka gobollka ayaa u sheegay warbaahinta in kooxo hubeysan ay soo weerareen guriga guddoomiye ku-xigeenka, laakiin ay iska caabin kala kulmeen sida ay hadalka u dhigeen ciidamadii ilaalada ka aheyd hoyga la weeraray.
"Weerarku waxaa uu ahaa mid lagu soo qaaday guriga guddoomiye ku-xigeenka dhinaca siyaasada, dabcan waxaa ay doonayeen in ay isaga dilaan, laakiin waxaa ka hor tagay ciidamadii ilaalada aheyd,’’ ayuu yiri Max’ed Cumar Isaaq oo ka tirsan mas’uuliyiinta maamulka degmada.
Mid ka mid ah ilaalada guriga ayaa la sheegay in uu weerarka ku dhaawacmay, iyadoo goobta ay isaga carareen kooxihii weerarka soo qaaday. Max’ed Cumar Isaaq waxaa uu ku eedeeyay weerarkaas in ay ka danbeeyeen Al-shabaab, laakiin ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegtay in ay weerarkaasi geystay.
Magaalada Baladweyne ee xarunta gobollka Hiiraan ayaa maalmihii ugu danbeeyay amaankeedu ahaa mid hagaagsan, waxaana uu weerarkan ku soo beegmay xili howlgalo lagu sugayo nabad-galyada ay ka wadaan magaalada ciidamada maamulka gobolka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya
Weerar xalay lagu qaaday Guriga Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Siyaasadda ee Maamulka Gobolka Hiiraan
More News
- Dadweynaha Hargeysa oo Aragtiyo kala duwan ka bixiyay Jagada sare ee loo dhiibay Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan
- FOWZIYO YUUSUF: "Somaliland waa dalkeygii, Soomaaliyana waa dalkeygii, labaduba waa dadkeygii oo waan ka dhexeeyaa"
- Ururka Midowga Yurub iyo Dowladda Baritain oo soo dhaweeyay Wasiirrada Cusub ee uu soo magacaabay Ra'iisul Wasaare Saacid
- Ololaha Doorashada dalka Mareykanka iyo ka Qeyb-galka Soomaalida ku nool
- Mudane Yuusuf Xasan oo ka Warbixiyay Waxqabadkiisa Mudadii uu ahaa Xildhibaanka Deegaanka Kamakunji ee Nairobi
- Dhoofinta Dhuxusha oo Si Toos ah uga Bilaabatay Dekedda Magaalada Kismaayo
- Haweeneydii ugu horreysay oo Taariikhda Soomaaliya loo Magacaabay Xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya
- Guddoomiyaha Baarlamaanka oo dalbaday in Xukuumadda cusub ee lasoo dhisay lagu hor-keeno Baarlamaanka laba Toddobaad Gudahood
- Ra'iisul Wasaaraha Soomaliya oo Fasiraad ka bixiyay laba ka mid ah Wasaaradaha uu soo Magacaabay oo aan horay u Jirin