Isniin, November 05, 2012 (HOL) — Ra'iiisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) ayaa ka wrabixiyay laba wasaaradood oo xukuumaddiisa ka mid ah kuwaasoo aan horay loogu arag xukuumadihii dalka soo maray, sidoo kalena wuxuu ka hadlay sababta uu u soo xushay tobanka wasiir.
Ra'iisul wasaare Saacid ayaa maqribnimadii xalay ku dhawaaqay golihiisa wasiirrada kaddib muddo dheer oo wadatashi ah, waxaana xukuumaddan ay calaamad u tahay inay ku jiraan laba haween ah oo aan horay uga mid noqon xukuumadihii dalka soo maray iyo inay ku jiro haweeneydii ugu horreysay oo noqota wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya.
"Haddii aan fasiraad ka bixiyo laba wasaaradood oo aan horay loo arag oo ka mid ah xukuumadeyda, waxay kala yihiin: wasaaradda khayraadka dalka, waxayna u xil-saaran tahay arrimaha beeraha, xannaanada xoolaha, kalluumeysiga, macdanta iyo tamarta. Sidoo kale wasaaradda horumarinta adeegga bulshada, waxayna u xil-saaran tahay, arrimaha waxbarashada, caafimaadka, shaqada, dhalliyarada iyo isboortiga," ayuu yiri ra'iisul wasaare Saacid.
Sidoo kale, ra'iisul wasaaruhu wuxuu sheegay in xukuumadiisa ay u bareeri doonto inay ka gudubto caqabad walba oo ka hortimaadda iyadoo kaashanaysa shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna xusay in wasiirrada tobanka ah uu ku kalsoon yahay inay wax ka bedeli doonaan xaaladda uu dalku ku sugan yahay.
Ugu dambeyn, ra'iisul wasaaruhu wuxuu sheegay in shacabka Soomaailyeed uu ka dalbanayo inay gacan ku siiyaan gudaha howshooda dastuuriga ah, sidoo kalena uu Alle ka baryayo in howshan uu la garab-galo.
Wasaaraddii daryeelka haweenka iyo arrimaha qoyska ayaa waxay ka mid tahay dhowr wasaaradood oo horay u jiray oo ka maqan xukuumadda cusub, waxaana sidoo kale maqan wasaaradihii lacagta iyo dalxiiska oo ka mid ahaa wasaaradihii ugu xoogga badnaa ee Soomaaliya tan iyo markii ay xorowday.
Xukuumaddan oo ah tii ugu tirada yarayd oo dalka soo marta muddo ka badan 40-sano ayaa waxaa laga sugayaa inay howlo badan oo horyaalla ka gudubto, kuwaas oo ay ugu horreysay sugidda ammaanka iyo dib u dhiska dalka kaddib labaatan sano oo burbur ah.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Ra'iisul Wasaaraha Soomaliya oo Fasiraad ka bixiyay laba ka mid ah Wasaaradaha uu soo Magacaabay oo aan horay u Jirin
More News
- Dadweynaha Hargeysa oo Aragtiyo kala duwan ka bixiyay Jagada sare ee loo dhiibay Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan
- FOWZIYO YUUSUF: "Somaliland waa dalkeygii, Soomaaliyana waa dalkeygii, labaduba waa dadkeygii oo waan ka dhexeeyaa"
- Weerar xalay lagu qaaday Guriga Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Siyaasadda ee Maamulka Gobolka Hiiraan
- Ururka Midowga Yurub iyo Dowladda Baritain oo soo dhaweeyay Wasiirrada Cusub ee uu soo magacaabay Ra'iisul Wasaare Saacid
- Ololaha Doorashada dalka Mareykanka iyo ka Qeyb-galka Soomaalida ku nool
- Mudane Yuusuf Xasan oo ka Warbixiyay Waxqabadkiisa Mudadii uu ahaa Xildhibaanka Deegaanka Kamakunji ee Nairobi
- Dhoofinta Dhuxusha oo Si Toos ah uga Bilaabatay Dekedda Magaalada Kismaayo
- Haweeneydii ugu horreysay oo Taariikhda Soomaaliya loo Magacaabay Xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya
- Guddoomiyaha Baarlamaanka oo dalbaday in Xukuumadda cusub ee lasoo dhisay lagu hor-keeno Baarlamaanka laba Toddobaad Gudahood