![]() |
"Kaddib wadatashiyo iyo talooyin waxaan magacaabay golahayga wasiirrada oo ka kooban 10 xubnood, waxaa ku jirta haweeneydii ugu horreysay oo noqota wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya inta la xusuusto taariikhda," ayuu yiri Cabdi Saacid.
Fowziyo ayaa waxay kasoo jeeda deegaannada Somaliland, waxayna muddo dheer ku noolayd dalka Britain, waxayna qudheedu soo dhaweysay in loo magacaabo xilka wasaaradda arrimaha dibadda iyo xiriirka caalamka ee Soomaaliya.
"Magacaabidda la ii magacaabay wasiirka arrimaha dibadda waa mid taariikh cusub u ah Soomaaliya, gaar ahaan haweenka Soomaaliyeed. Waayo tani waxay furaysaa baal cusub oo siyaasadda Soomaaliya ah," ayay tiri Fowziyo.
Haweeney kale ayaa ku jirta wasaaradaha la magacaabay, Maryan Qaasim Axmed oo loo magacaabay wasaaradda horumarinta adeegga bulshada, wasaaraddaas oo ka shaqeynaysa, qaybaha waxbarashada, caafimaadka, dhallinyarada, shaqada, shaqaalaha iyo isboortiga.
Inta badan wasiirrada la magacaabay ayaan horay loogu arag saaxada siyaasadda ee Soomaaliya, waxaana ka mid ah saddex wasiir oo horay uga soo mid noqday xuukumaddii Farmaajo oo shacabka Soomaaliyeed ay si weyn u soo dhaweeyeen waxqabadkeeda muddadii ay jirtay.
Wasirradii soo maray xukuumaddii hore ee KMG ahayd ayaa waxaa ka mid ah: wasiirka gaashaandhigga, C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi, wasiiradda horumarinta adeegga bulshada, Maryan Qaasim Axmed iyo wasiirka Diinta iyo Owqaafta C/llaahi Abyan Nuur.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
