4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 5 , 2012
Guddoomiyaha Baarlamaanka oo dalbaday in Xukuumadda cusub ee lasoo dhisay lagu hor-keeno Baarlamaanka laba Toddobaad Gudahood
Isniin, November 05, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa ka dalbaday ra'iisul wasaaraha inuu xukuumadda cusub ku horkeeno baarlamaanka muddo laba todobaad gudahood ah si codka kalsoonida ah loogu qaado.


Prof. Jawaari ayaa hadalka ka sheegay xafladdii xalay lagu magacaabayay golaha wasiirrada cusub oo ka dhacday xarunta madaxtooyada, isagoo golaha wasiirrada ugu baaqay inay la yimaadaan waxqabad muuqda iyo howlkarnimo.

"Sida uu dastuurku dhigayo xukuumada waa in lagu horkeeno baarlamaanka maalintii codka kalsoonida ah la siiyay ra'iisul wasaaraha oo ku beegan bishan 17-keeda ama maalin ka hor waqtigii ra'iisul wasaaraha la siiyay kalsoonida," ayuu yiri  Jawaari oo sharraxaad ka bixinayay xilliga xukuumadda la horgeynayo baarlamaanka.

Xukuumadan ayaa ku dhisan  hab-qaybsiga beelaha ee 4.5-ka ah, balse waxaa la simay beelaha oo dhan, iyadoo beel walba la siiyay laba wasiir, waxaana tani ay u furtay albaabbo cusub dowladda, taasoo ah in meesha laga saaray kala sareyntii beelaha Soomaaliyeed.

Inkastoo ra'iisul wasaaraha iyo madaxweynuhu ay muujiyeen inay kalsooni weyn ku qabaan in xukuumaddan la ansixin doono, ayaan haddana la ogeyn go'aanka kama dambeysta ah ee ay qaadan doonaan xildhibaannada baarlamaanka.

Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ra'iisul wasaare Saacid si aqlabiyad ah u siiyay codka kasloonida, balse waxaa jira shakiyo badan oo laga qabo in baarlamaanka uu kalsoonida siin doono xukuumaddan oo ah tii ugu tirada yarayd ee dalka soo marta.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya