3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 5 , 2012
Dhoofinta Dhuxusha oo Si Toos ah uga Bilaabatay Dekedda Magaalada Kismaayo

Isniin, November 05, 2012 (HOL) —Waxaa si toos ah uga bilaabatay marsadda caalamiga ah ee magaalada Kismaayo dhoofinta dhuxusha, xilli mudooyinkii ugu danbeeyay ay magaalada ka soconayeen kulamo arintaasi la xiriira oo u dhexeeyay ganacsatada iyo  masuuliyiinta maamulka KMG ee Kismaayo.

Mid kamid ah ganacsatada reer Kismaayo oo magaciisa kusoo gaabiyay Abdullahi ayaa HOL u sheegay in ay si rasmi ah u bilaabatay dhoofinta dhuxusha, wuxuuna xusay in dhuxusha lagu rarayo Maraakiib iyo Doomo ku xiran Dekedda.

“Waxa la go’aamiyay in la qaado dhuxusha ku diyaarsan magaalada, shaqaduna hadda si wanaagsan ayay u socotaa,” ayuu masuulkani hadalkiisii raaciyay.

Mid kamid ah horjoogayaasha xamaaliga dekedda Kismaayo oo lagu magacaabo Nuur C/raxmaan ayaa HOl u sheegay in shaqada dhoofinta dhuxusha ay si dardar leh uga socoto Dekedda.

Sidoo kale waxa uu yiri “Shaqada si wanaagsan ayay u socotaa daraad ayaa la fasaxay in dhuxusha taal la dhoofiyo, ilaa shalayna waxaa dhuxusha lagu soo daabulay gaadiid hadda ku diyaarsan gudaha dakadda.”:

Saraakiil katirsan maamulka Kismaayo oo aan xiriir la sameynay ayay inoo suurogeliweysay in aan faahfaahin ka helno.

Maraakiibta iyo Doomaha ganacsi ee ku xiran Kismaayo ayaa laga leeyahay wadanka isu tagga Imaaraadka Carabta, waxaana mudooyinkii ugu danbeeyay uu muran xooggan ka taagnaa arinta la xiriirta dhoofinta dhuxusha.

Muranka yaa la xiriiray kadib markii saraakiisha Kenya iyo kuwa Dowladda Soomaaliya ay amar ku bixiyeen in lajoojiyo dhoofinta dhuxusha arintaasoo ay ka horyimaadeen qaar kamid ah xubnaha maamukla KMG iyo ganacsatada magaalada Kismaayo.

Dhoofinta dhuxusha ayaa la filayaa in si rasmia ah looga mamnuuco dekedda Kismaayo kadib markii la raro dhuxusha faraha badan ee  imika ku diyaarsan kaamamka dhuxusha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose.


--
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya













Click here
11/5/2012 7:08 AM EST
Isniin, November 05, 2012 (HOL) — Tan iyo markii ay soo baxday in loo magacaabay Ra’isal wasaare ku xigeenka Soomaaliya, ahna wasiirka Arrimaha dibadda Foosiya Yuusuf X. Aadan, ayaa goobaha la iskugu yimaaddo magaaladda Hargeysa aad loogu hadal hayey, iyadoo laga doodayey saamaynta ay ku yeelan karto qadiyadda Somaliland iyo wada halkii labadda dhinac u dhexeeyey.

11/5/2012 6:45 AM EST
Isniin, November 05, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa sheegtay inay sii wadayso wadahadal u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland, iyadoo rajo wanaagsan ka muujisay inay kasoo bixi karto howsha loo dhiibay.

11/5/2012 6:00 AM EST
Isniin, November 05, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan oo aan la garaneynin ayaa xalay weerar ku qaaday guriga uu magaalada Baladweyne ka degan yahay guddoomiye ku-xigeenka dhinaca siyaasada ee maamulka gobollka Hiiraan Cadaawe Cilmi.

11/5/2012 5:57 AM EST
Isniin, November 05, 2012 (HOL) — Ururka Midowga Yurub iyo dowladda Ingiriiska ayaa si isku mid ah u soo dhaweeyay golaha wasiirrada ee uu soo dhisay ra'iisul wasaare Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) iyagoo sheegay inay gacan siinayaan.

11/5/2012 5:28 AM EST
Isniin, November 05, 2012 (HOL) — Doorashada guud ee dalka Mareykanka ayaa maraysa meel aad u xasaasi u ah, iyadoona ay saacado kooban innaga xigaan xiliga loo dareerayo oo ah maalnimada berri ah oo ah 06-da bishaan November.

11/5/2012 5:05 AM EST
Isniin, November 05, 2012 (HOL) —Xildhibaanka laga soo doortay deegaaanka Kamakunji ee magaalkada Nairobi Xildhibaan Yuusuf Xasan Cabdi ayaa kulan uu la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan xaafadda ay Soomaalidu ku badatahay ee Islii uga warbixiyay waxqabadkiisa mudadii uu xilka hayay.

11/5/2012 2:45 AM EST
Isniin, November 05, 2012 (HOL) — Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa noqonaysa wasiirradii ugu horeysay oo haween ah oo loo dhiibo jagada wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya inta la xusuusto taariikhda Soomaaliya, waxayna ka mid ah tahay toban wasiir oo uu xalay ku dhawaaqay ra'iisul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).

11/5/2012 2:25 AM EST
Isniin, November 05, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa ka dalbaday ra'iisul wasaaraha inuu xukuumadda cusub ku horkeeno baarlamaanka muddo laba todobaad gudahood ah si codka kalsoonida ah loogu qaado.

11/5/2012 2:06 AM EST
Isniin, November 05, 2012 (HOL) — Ra'iiisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) ayaa ka wrabixiyay laba wasaaradood oo xukuumaddiisa ka mid ah kuwaasoo aan horay loogu arag xukuumadihii dalka soo maray, sidoo kalena wuxuu ka hadlay sababta uu u soo xushay tobanka wasiir.