Isniin, November 05, 2012 (HOL) — Ururka Midowga Yurub iyo dowladda Ingiriiska ayaa si isku mid ah u soo dhaweeyay golaha wasiirrada ee uu soo dhisay ra'iisul wasaare Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) iyagoo sheegay inay gacan siinayaan.
Warsaxaafadeed uu Nairobi kasoo saaray danijraha Midowga Yurub ee Soomaaliya, Michele Cervone d'Urso ayuu ku sheegay inay soo dhaweynayaan wasiirrada cusub ee uu soo magacaabay ra'iisul wasaaraha Soomaaliya.
"Tani waa tallaabo horay loo qaaday, waxaana rajeynaynaa in xukuumaddan ay la timaaddo waxqabad marka ay hesho codka kalsoonida baarlamaanka," ayuu yiri ku yiri d'Urso warsaxaafadeedka uu soo saaray.
Sidoo kale, danjiruhu wuxuu sheegay in Midowga Yurub ay diyaar u tahay inay gacan siiso dowladda cusub ee Soomaaliya si ay u gudato howlaha horyaalla oo ay ugu horreyso ammaanka iyo dib u dhiska.
Dhanka kale, wasiirka arrimaha Afrika ee Britain ayaa isaguna warsaxaafadeed uu soo saaray maanta oo Isniin ah ku sheegay inay soo dhaweynayaan xukuumadda uu soo dhisay ra'iisul wasaare Saacid.
"Britain waxay soo dhaweynaysaa golaha wasiirrada Soomaaliya ee la magacaabay. Tani waa qayb ka mid ah horumarka siyaasadda, waxaana u hambalyeynayaa ra'iisul wasaaraha Soomaaliya iyo xukuumaddiisa cusub," ayuu yiri wasiirka arrimaha Afrika ee Britain Mark Simmonds.
Sidoo kale, Simmonds wuxuu sheegay inuu soo dhaweynayo wasiirrada arrimaha dibadda ee Soomaaliya oo uu sheegay inay tahay markii ugu horreysay oo gabar Soomaaliyeed loo magacaabo jago sare oo heer wasiir ah.
Ugu dambeyn dalal ay ka mid yihiin Faransiiska iyo Mareykanka ayaa iyaguna soo dhaweeyay magacaabista golahan wasiirrada, iyadoo ku tilmaamay xukuumad yar oo ay ka filayaan waxqabad wanaagsan.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Ururka Midowga Yurub iyo Dowladda Baritain oo soo dhaweeyay Wasiirrada Cusub ee uu soo magacaabay Ra'iisul Wasaare Saacid
More News
- Dadweynaha Hargeysa oo Aragtiyo kala duwan ka bixiyay Jagada sare ee loo dhiibay Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan
- FOWZIYO YUUSUF: "Somaliland waa dalkeygii, Soomaaliyana waa dalkeygii, labaduba waa dadkeygii oo waan ka dhexeeyaa"
- Weerar xalay lagu qaaday Guriga Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Siyaasadda ee Maamulka Gobolka Hiiraan
- Ololaha Doorashada dalka Mareykanka iyo ka Qeyb-galka Soomaalida ku nool
- Mudane Yuusuf Xasan oo ka Warbixiyay Waxqabadkiisa Mudadii uu ahaa Xildhibaanka Deegaanka Kamakunji ee Nairobi
- Dhoofinta Dhuxusha oo Si Toos ah uga Bilaabatay Dekedda Magaalada Kismaayo
- Haweeneydii ugu horreysay oo Taariikhda Soomaaliya loo Magacaabay Xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya
- Guddoomiyaha Baarlamaanka oo dalbaday in Xukuumadda cusub ee lasoo dhisay lagu hor-keeno Baarlamaanka laba Toddobaad Gudahood
- Ra'iisul Wasaaraha Soomaliya oo Fasiraad ka bixiyay laba ka mid ah Wasaaradaha uu soo Magacaabay oo aan horay u Jirin