4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 26, 2012
Xarakada Al-shabaab oo ku hanjabtay inay Weerarro gaadmo ah ku qaadayso Ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM

Sabti, May 26, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa ku hanjabtay maanta oo Sabti ah inay weerarro gaadmo ah la beegsanayso ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM ee gacanta siinaya, kaddib markii shalay laga qabsaday degmada Afgooye oo ahayd goob ay awood badan ku lahayd.

"Waan sii wadaynaa dagaalka, shakina kuma jiro inaan ka adkaan doonno cadowga," ayuu yiri Sheekh C/casiis Abuu-Muscab oo ah afhayeenka dhinaca howgallada ee Xarakada Al-shabaab.

Sheekh Abuu-Muscab wuxuu sheegay in qabsashada degmada Afgooye aysan wax weyn u arag, balse ay xoogaggooda oo qaabab-cusub oo dagaal isticmaalaya ay la dib ula wareegi doonaan degmadaas iyo deegaanno kale oo horay looga qabsaday.

"Mujaahidiintu xeelado dagaal awgood ayay uga baxeen dhowr goobood oo ay ku sugnaayeen, balse taasi ma ahan in laga adkaaday," ayuu yiri Sheekh Abuu-Muscab. "Mar hore ayaan ka jarnay jidadkii ay wax u soo mari lahaayeen, taasina cadowga ayay khasaare weyn ku tahay."

Degmada Afgooye ayaa waxay noqonaysaa degmadii afaraad oo Al-shabaab laga qabsaday sannadkan billlowday, iyadoo horay looga qabsaday degmooyinka Baydhabo, Ceelbuur iyo Xudur oo ka mid ahaa goobaha awoodda ku lahaayeen.

Dhanka kale, saraakiil u hadlay dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM ayaa sheegay in qabsashada degmada Afgooye ay dhabar-jab xooggan ku tahay Al-shabaab, waxayna ku tilmaameen degmada tii ugu muhiimsanayd ee ay Al-shabaab haysteen marka laga reebo Kismaayo.

"Ciidamadeenna ayaa si buuxda gacanta ugu haya degmada Afgooye, balse kooxo ka tirsan Al-shabaab ayaa weli ku harsan deegaannada loo barakacay ee ku yaalla duleedka Muqdisho, waxaana noo qorsheysan inaan sida ugu dhaqsiyaha badan uga saarno," ayuu yiri Col. Mukhtaar Maxamed oo ka mid ah saraakiisha hoggaaminaya ciidamada dowladda dowladda ee dagaalka ku jira.

Deegaannada loo barakacay ayaa waxaa maanta ka dhacay dagaallo ay khasaare kasoo gaartay dad shacab ah oo ku sugnaa deegaannadaas, iyadoo qiyaastii 9,000 oo qof oo deegaannadaas ku noolaa ay deegaannadaas kasoo barakceen dhowrkii casho ee lasoo dhaafay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya