4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 26, 2012
Ururka Ahlusunna Waljamaaca oo xilkii ka qaaday Guddoomiyihii Saddexda Gole ee Ahlusunna, Doortayna Guddoomiye Cusub

Sabti, May 26, 2012 (HOL) — Maamulka Ahlusunna Waljamaaca ee gobollada dhexe xil ka qaadi ku sameeyay guddoomiyihii saddexda gole ururkaas, Prof. Xirsi Maxamed Hillowle (Laba-garre) kaddib shirar saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay u socday degmada Guriceel ee gobolka Galguduud.

Mas'uulka xilka laga qaaday ayaa lagu eedeeyay xil gudasho la'aan, iyadoo xilkaas loo doortay guddoomiye cusub oo lagu magacaabo, Sheekh Ibraahim Xasan Gureeye oo ka mid ahaa saraakiisha sarsare ee Ahlusunna.

"Xubnihii kulanka soo xaadiray oo ahaa 27-xubnood waxaa isku raacay in Sheekh Ibraahim Guureeye uu noqdo guddoomiyaha saddexda gole ee Ahlusunna 26 ka mid ah, hal midna waa ka aamusay, sidaa daraadeed laga billaabo maanta waxaa guddoomiyaha saddexda gole ee Ahulsunna ah Sheekh Ibraahim Guureeye," ayuu yiri Sheekh Cumar C/qaaadir oo ah guddoomiyaha golaha talada ee Ahlusunna.

Intaas kaddib waxaa goobta ka hadlay guddoomiyaha cusub isagoo sheegay inay howlahooda dar-dar-gelin doonaan; wuxuuna sheegay inay xoogagga Al-shabaab ugu baaqayaan inay isku soo dhiibaan Ahlusunna si loo nabadgeliyo.

"Ururka Ahlusunna halgalka ay kula jirto Al-shabaab wuxuu ka billowday degmada Guriceel, waxaana rajeynaynaa inaan dardar-gelinno halgankaas, innagoo u mahad-celinayno dowladaha gacanta nagu siiyay howlgalka," ayuu yiri Sheekh Ibraahim Gureeye.

Ma jiro hadal kasoo baxay guddoomiyaha xilka laga qaaday, inkastoo deegaanno ka tirsan kuwa ay ka taliso Ahlusunnada gobollada dhexe laga soo horjeestay xil-ka-qaadista lagu sameeyay guddoomiyihii hore ee golayaasha Ahlusunna.

Waa markii labaad oo ururka Ahlusunna doortaan guddoomiyaha saddexda gole ee ururkaas hoggaamiya muddo hal sano gudahood ah, waxaana laga war-sugayaa wax-qabadkan guddoomiyaha cusub ee la doortay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya