Maxkamadda Ciidamada Dowladda Somalia oo xukunno ku ridday dad lasoo taagay Maxkamad laga furtay Baydhabo

Talaado, Maarso 27, 2012 (HOL) — Maxkamadda ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa xukunno ka la duwan ku ridday eedeysanayaal lasoo taagay maxkamad ay ka furatay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Eedeysanayaashan oo tiradoodu ahayd 54-ruux ayaa waxaa ku jiray askari horay dil uug geystay askari kale, kaasoo ay maxkamaddu ku xukuntay dil toogasho, iyadoo inta kale lagu xukumay xabsiyo kala duwan.

Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada DKMG ah, G/sare Xasan Maxamed (Muun-gaab) oo xukunka kaddib la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in shan ka mid ah eedeysanayaasha lagu xukumay min 10-sano oo xarig ah, 19 ruux oo kalena lagu xukumay lix sano oo xabsi ciidan ah, halka laba kalena lagu xukumay min lix bilood oo xabsi ah.

Sidoo kale, maxkamaddu waxay sii daysay 17-ruux oo la sheegay in lagu waayay wax dambi ah, iyadoo dhammaan dadka la xukumay uu sheegay guddoomiyaha maxkamadda in lagu soo eedeeyay inay ka tirsanaayeen Al-shabaab.

Maxkamadda ayaa waxay dib u dhigtay dacwooyinka 11-qof oo eedeysanayaal ah, kaddib markii la sheegay in caddeyn loo waayay dacwadooda, mar kalena dib loo furi doono.

Waa markii ugu horreysay oo maxkamadda ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ay xukunno ka fuliso meel ka baxsan Muqdisho, iyadoo maxkamaddu ay uga digtay ciidamada dowladda ee ku sugan gobollada Bay iyo Bakool inay dhibaatooyin kula kacaan dadka shacabka ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya