Talaado, Maarso 27, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo oo afhayeenka baarlamaanka Somalia uu ka mid ahaa ayaa maanta booqasho ku tagay degmada Cadaado ee gobolka Galguduud oo ah xarunta maamulka Ximan iyo Xeeb.
Wafdigan ayaa waxaa garoonak diyaaradaha ee Cadaado geysay diyaarad qaas ah oo kasoo qaadday degmada Gaalkacyo oo labadii casho ee lasoo dhaafay ay ku sugnaayeen, waxaana soo dhaweeyay xubno ka tirsan maamulka Ximan iyo Xeeb.
Sheekh Shariif, Shariif Xasan iyo mas'uuliyiinta maamulka ay booqeen oo uu ku jiro madaxweynaha maamulkaas ayaa kulan albaabbadu u xiran yihiin yeeshay, iyagoo madaxweynaha Soomaaliya ayaa u mahadceliyay mas'uuliyiintii uu la kulmay markii uu kulanku soo xirmay.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay booqashada uu ku tagay degmada Cadaado, iyadoo amaanka degmadaas ay aad u adkeynayeen ciidammo ka tirsan maamulka Ximan iyo Xeeb oo gaadiid dagaal wata.
Lama oga qodobbadii ay labada dhinac uga hadleen kulankooda, balse waxaa la sheegay inay ahaayeen kuwo salka ku haya ammaanka, iyadoo la xusuusto in dhawaanahan ay hadallo hanjabaad ah saxaafadda isku mariyeen.
Booqashadan ayaa waxay noqonaysaa tii ugu horreysay ee uu madaxweyaha iyo guddomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ku tagaan degmada Cadaado, sidoo kale waa booqashadii ugu horreysay oo madaxda DKMG ah ay ku tagaan deegaanno ay ka taliyaan maamullada Soomaaliya ka jira marka laga reebo Puntland iyo Galmudug.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya