Guddoomiyaha Ahlusunna oo sheegay inaysan qorshaha ugu jirin inay weeraraan deegaannada Ximan iyo Xeeb

Talaado, Maarso 27, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha guud ee Ahlusunna Waljamaaca Prof. Xirsmi Maxamed Hilowle (Laba-garre) oo ku sugan Muqdisho ayaa sheegay in maamulkooda aysan u qorsheysnayn xilligan inay weeraraan deegaannada uu ka tilyo maamulka Ximan iyo Xeeb ee ka tirsan gobolka Galguduud.

Prof. Laba-garre wuxuu sheegay in maamulka ka jira deegaannadaas uu yahay mid ay sameysteen dadka deegaanka, balse aanay beesha caalamku aqoonsayn, ayna iyagu diyaar u yihiin in haddii ay caawinaad uga baahdaan ay caawiyaan.

"Deegaannadaas waxaa ka jira maamul ay sameysteen dadka deegaanka, hadda qorshaha nooguma jirto inaan weerarno," ayuu yiri guddoomiyaha Ahlusunna oo la hadlayay warbaahinta.

Guddoomiyaha guud ee Ahlusunna wuxuu sheegay inay u qorsheysan tahay iyagoo kaashanaya ciidamada Itoobiya inay la wareegaan deegaannada ay gobolka Galguduud kaga sugan tahay Al-shabaab, kuwaasoo uu sheegay inay durba billaabeen.

Afhayeenka Ahlusunna oo dhawaan isaguna la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in maamulka Ximan iyo Xeeb uu gacansaar la leeyahay Al-shabaab iyo burcad-badeedda sidaa daraadeedna ay ka go'an tahay inay weeraraan.

Mas'uuliyiinta Ximan iyo Xeeb oo hadalkan ka jawaabayay ayaa waxay sheegeen inay iska difaaci doonaan weerar walba oo lagu soo qaado deegaannada ay ka taliyaan, iyagoo uga digay ciidamada Itoobiya inay qayb ka noqdaan daandaansiga Ahlusunna.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya