Talaado, Maarso 27, 2012 (HOL) — Afar qof oo ay ku jiraan ciidammo ka tirsan kuwa dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa xalay siyaabo kala duwan loogu dilay magaalada Muqdisho, Baladweyne iyo Baydhabo oo dhammaantood ay gacanta ku hayso dowladda Soomaaliya.
Laba ka mid ah dadkan la toogtay ayaa lagu dilay Muqdisho, waxaana mid ka mid ah oo ahaa askari ka tirsan ciidamada dowladda KMG ah lagu toogtay isgoyska Sanca ee degmada Yaaqshiid, waxaana dilkiisa fuliyay rag ku hubeysan bastoolado.
Sidoo kale, askar ka tirsan ciidamada dowladda KMG ah ayaa wiil dhallinyaro ah ku dilay agagaarka isgoyska Aadan Cadde ee jidka wadnaha, wiilkaas oo lagu eedeeyay inuu ka tirsanaa xoogagga Al-shabaab.
Degmada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa xalay lagu toogtay nabaddoon lagu magacaabi jiray, Daa'uud Amiin Siciid, waxaana toogtay kooxo ku hubeysan bastoolado, kuwaasoo markiiba goobta ka baxsaday.
Magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa iyadana lagu dilay xalay askari ka tisran ciidamada dowladda KMG ah, waxaana dilkiisa geystay kooxo bastoolado ku hubeysan oo la sheegay inay ka tirsanaayeen Al-shabaab.
Saraakiisha dowladda ee ku sugan Baydhabo ayaa waxay sheegeen inay baarsi ku hayaan kooxihii dilkaas ka dambeeyay, balse saraakiisha dowladda ee ku sugan Muqdisho iyo Baladweyne ayaan ka hadlin dilalka ka dhacay magaalooyinkaas.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya