.jpg)
Talaado, Maarso 27, 2012 (HOL) — Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa soo abaabulay aqoon korodhsi hal maalin ah oo khabiiro muddo dheer warbaahinta Soomaalidda ka shaqayn jiray aqoontoodda ugu gudbin lahaayeen dhalinyarada ku jira Saxaafadda.
Aqoon korodhsigan ayaa ujeedada ugu weyn ee laga lahaa ay ahayd sidii waayo aragnimada ay u leeyihiin warbaahinta ay ka shaqayn jireen uga faa’iideen lahaayeen dhalinyaradda, isla markaana isku baran lahaayeen dhalinyaradda hada ku jirta mihnada saxaafada iyo ruug cadaayaasha ku jiray warbaahinta mudadda dheer.
Khabiiradan khudbadaha kala duwan soo jeedinayey waxa ka mid ahaa Cabdirisaaq X. Maxamuud Siraad, Axmed Xasan Cawke, Cabdihaahi WaYab, Faysal Fadhfadhle, Maxamuud Maxamed Kastam, Maxamed Xasan Cali Weji iyo waryeyaal kale.
Guddoomiyaha ururka SOLJA, Xasan Maxamed Yuusuf ayaa sheegay inay doonayaan inay dhalinyarada saxaafadda ku jirta ka faa’iidaystaan sida loogu baahan yahay inay u shaqaystaan iyo waxyaalaha laga doonayo.
.jpg)
Wariyaha Ruug cadaaga ah ee Cabdirisaaq X. Maxamuud Siraad ayaa ka sheekeeyey waxyaalaha laga rabo suxufiga wanaagsan iyo meelaha laga rabo inuu ka waramo, waxaanu tilmaamay in suxufiga wanaagsani ilaaliyo anshaxa iyo waajibaadka laga rabo, isagoo ku booriyey in loo baahan yahay in si cadaalad ah oo ummadda u siman warka loo gaadhsiiyo.
Cabdihaahi WaYab, Faysal Fadhfadhle, Maxamuud Maxamed Kastam, Maxamed Xasan Cali Weji ayaa iyaguna ka waramay meelaha loo baahan yahay in diirada la saaro iyo qaabka uu wariyuhu sumcadiisa iyo karaamadiisa u ilaalin karo.
.jpg)
Wariyaha Caanka ah ee Axmed Xasan Cawke ayaa isna sheegay in uu warbaahinta ku jiray muddo afartan sanadood ah, isla markaana ka soo shaqeeyey warbaahinno kala duwan oo waaweyn oo ku hadla af soomaaliga, isagoo tilmaamay in aanu waligii mushahar hadal ahayn aanu qaadan (suxufinimo ahayn), waxa kale oo uu ka maramay sida loo baahan yahay in warbaahintu ummadoodda war sugan u gaadhsiin lahaayeen, iyagoo wariyeyaasha uga digay in erayo ajanabi ah ku soo daraan wararkooda, taas oo aanay fahmi Karin soomaalida miyiga joogo, isagoo xusay in wakhtigan caadi u noqotay in dadkeenu isticmaalaan luuqado ajanabi ah,taas oo dhibaato u ah is fahan la’aanta bulshadda soomaalida ah.
Guddoomiyaha hay’ada maamul wanaaga iyo la dagaalanka Musuqmaasuqa Axmed Muxumed Madar, oo kulankan kala soo qaybgalay, ayaa sheegay in haddii la doonayo in maamul wanaagsan la sameeyo qayb ka tahay warbaahintu, isla markaana uu soo dhoweynayo sidii warbaahinta iyo dawladdu iskula jaan qaadi lahayd, si fiicana u wada shaqayn lahaayeen.
Si kastaba ha ahaaatee, kulamadan aqoon korodhsiyada ah ayaa kor u qaadi karta xirfada saxaafadda ee ay ku shaqaynayaan suxufiyiintu. .jpg)
.jpg)
.jpg)
Barkhad-Ladiif M. Cumar
[email protected]
Hargeysa, Somaliland