Warmurtiyeed kasoo baxay Shir ka dhacay Gaalkacyo oo looga hadlay Meel-Marinta Heshiiska Roadmap-ka

Talaado, Maarso 27, 2012 (HOL) — Shirkii wadatashiga saxiixayaasha Soomaaliyeed ee barnaamijka dhameystirka xiliga kala guurka ah ayaa shalay oo bishu ay ahayd 26-ka Maarso, 2012 lagu qabtay magaalada Galkacayo ee xarunta gobolka Mudug.

Shirka waxaa marti-galiyey dowlada Puntland waxaana fududeeyay xafiiska ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabislan arimaha Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa ka qaybgalay saxiixayaashii geeddi-socodka dhameystirka xilliga kala-guurka ah ee Soomaaliya oo ka kala socday: dowladda KMG, Puntland, Galmudug iyo Ahlusunna Waljamaaca iyo danjire Augustine Mahiga.

Qodobbadii shirkaas kasoo baxay ayaa waxay kala ahaayeen:

  1. In la dardar-galiyo dhameystirka barnaamijka xiliga kala guurka ah, heshiiyadii geedi-socodka iyo mabaa'diida Garoowe kow iyo Garoowe laba .
  2. In la dedejiyo xulushada xubnaha ka mid noqonaya golaha ansaxinta dastuurka oo shuruudahoodu ku cad yihiin go'aamada Garoowe kow iyo laba, waxaana la isla gartay in loosoo xulayo xubnaha shirweynaha la yareeyo si ay ugu sahlanaato wax qaybsiga 4.5 ee lagu heshiiyay.
  3. Tirada golaha ansaxinta dastuurka oo lagu go'aamiyay shirkii Garoowe laba oo ahayd 1000 qof, waxaa la isla gartay in laga dhigo 8,25-qof oo lagu qaybinayo habka 4.5 oo loo arkay wax qaybsi raad-raac hore leh.
  4. Waxaa la isku raacay in madax-dhaqameedyada Soomaaliyeed ay noqdaan dadka soo xulaya xubnaha golaha ansaxinta dastuurka iyagoo kaashanaya qaybaha kala duwan ee bulshada sida culu'maa'uddiinka, aqoonyahannada, dhallinyarada, haweenka, ganacsatada iyo qaybaha kale ee bulshada.
  5. Waxaa la isla gartay in 135-xubnood oo ka imaanaya madax-dhaqameedka afar beelood oo min 30 xubnood ah iyo beesha shanaad oo 15-xubnood ah iyagoo la tashanaya beelahooda waxay soo xuli doonaan xubnaha golaha ansaxinta dastuurka iyo xubnaha baarlamaanka cusub iyagoo ay gacan siinayaan guddi farsamo oo ka kooban 17-xubnood oo lix xubnood ay ka imaanayaan hay'adaha dowladda federaalka Soomaaliya, saddex xubnood Puntland, saddex xubnood Galmudug, saddex xubnood Ahlu-sunna, lix xubnood oo federaal ah iyo laba xubnood oo ah xafiiska siyaasada Qaramada Midoobey ee Soomaaliya UNPOS iyo lix xubnood oo ka socda beesha caalamka oo goobjoogayaal ah, wixii caqabad noqda waxaa loola soo noqonayaa saxiixayaasha Raodmap-ka iyo mabaa'diida shirarkii Garoowe kow iyo laba.
  6. Waxaa lagu heshiiyay in shirka ugu horreeya ee madax-dhaqameedyada soo xulaya ergada ansaxinta dastuurka uu ka dhaco magaalada Muqdisho 25-ka Abriil ee sannadkan 2012.
  7. Waxaa la isku raacay in masuu'liyadda iyo dhameystirka barnaamijka xilliga kala guurka ah iyo mabaadii'da Garowe kow iyo laba ay si gaar ah u saaran tahay saxiixayaasha barnaamijka "Roadmap-ka" oo ah cidda loola noqonayo wixii caqabad ah.
  8. Waxaa la isku raacay fududeynta iyo tageerada maaliyadeed ee barnaamijka dhameystirka xilliga KMG ah in si deg-deg ah looga sugayo beesha caalamka.
  9. Wixii aan halkaan ku caddeyn waxaa loola noqanayaa "Roadmap-ka" iyo mabaadii'da Garowe kow iyo laba.

Qodobbadan oo dhan waxaa saxiixay dhammaan xubnihii kasoo qayb-galey kulanka looga hadlayay meel-marinta xilliga kala guurka ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya