Jaamacadda California ee San-diego oo dhowr iyo laabtan sano kaddib Cilmi-baaris ku Sameeyay Gobolka Banaadir

Talaado, Maarso 27, 2012 (HOL) — Waxaa maalmahan Muqdisho ku sugnaa laba xubnood oo ka socda jaamacadda California, San Diego oo kala ah, Dr Nicholai Lidow oo bare ka ah jaamacadda iyo Cabdimaalik Cali Bucul oo ku jira diyaarinta dhammaadkii Masters in Education Sen Diego State University isagoo ka mid ah xubnihii aasaasay ururka dhallinyarada SYL ee San Diego, waxayna Muqdisho u yimaadeen in baaritaan ay ku sameeyaan arrimo fara badan.

Howsha ay labadan xuubnood u yimaadeen Muqdisho ayaa waxaa ka caawiyay urur lagu magacaabo SUHA Students of University and Higher Institutions Association oo ay ku mideysan yihiin ardaydii ka qalin-jabisay jaamacadaha iyo Machaahidda ku yaalla Muqdisho, waxayna baaritaan ku sameeyaan 16–ka degmo ee gobolka Banaadir, waxayna diiradda ku saareen arrimaha bani'aadanimada, nabadgelyada, dhaqaalaha, waxbarashadda, biyaha, korontada, nadaafadda, barakacayaasha, dowlad-wanaagga, waxaana ardeydii loo diray barnaamijkaan ay howshan u fuliyeen sidii loogu talagalay taasoo ay si aad ah ugu farxeen xubnhii ka socday jaamacadda California ee San Diego.

Xaflad lagu soo gabagabeynayay howsha baaritaanka 16-ka degmo laga sameeyay ayaa ka dhacday hoteelka Ambassador ee Muqdisho, waxaana ugu horreyn halkaas ka hadlay ardaydii ka qaybgashay barnaamijkaas oo sheegay in baarintaankoodii ay wax badan ka faa’iideen isla markaana waxay u mahadceliyeen jamacadda California oo ay sheegeen inay aad u danayneyso sidii ay Soomaaliya dhibaatada uga bixi lahayd, maadaama howshan ay ahayd wax ummadda Soomaaliyeed u baahan yihiin.

Guddoomiyaha ururka SUHA, Cabdulaahi Maxamed Cumar oo ka hadlay kulankaas ayaa ugu horreyn u mahadceliyay intii u fududeysay in barnaamijkaas uu sidii loogu talagalay u fulo, gaar ahaan guddoomiyaasha degmooyinka gobalka Banaadir, sidoo kale wuxuu u mahadceliyay labadii xubnood ee ka socotay jaamacadda California, waxayna u ballan-qaadeen in wixii kale oo ay u baahan yihiin ay wax kala qaban doonaan.

Barnaamij noocaan oo kale ah waxaa Soomaaliya ugu dambeysay sannadkii 1987, waxaana xafladda gabagabada ka hadlay, Dr Nicholai Lido oo sheegay in ardaydii ka qayb-qaadatay barnaamijkii baaritaanka ay yihiin kuwo geesiyaal ah, maadaama intii ay hawshaasi ku jireen ay la kulmeen caqabado dhowr ah, sidoo kale wuxuu u mahadceliyay intii u fududeysay hawshii ay u yimaadeen magaalada Muqdisho, gaar ahaan wuxuu mahad gaar ah u jeediyey dowladda KMG iyo guddoomiyeyaasha gobalka Banaadir.

Cabdimaalik oo ah ninka Soomaaliga ee la socda Dr Lidow oo sannadkii lasoo gudbay Muqdisho u yimid hawlihii loogu gargaarayay dadkii abaaraha ayaa sheegay in barnaamijkaan baaritaanka ah ay u fududeysay imaanshahoodii kal hore ay Muqdisho yimaadeen, isagoo sheegay in ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata Muqdisho ay yihiin kuwo ka wanaagsan kuwa qurbaha ku nool, waayo waxay wax ku bartaan nolol adag halka kuwa qurbaha iyagoo haysta nolol raaxo leh lagu kari waayay inay wax bartaan, wuxuuna kula dardaarmay i ay halkaasi kasii wadaan dadaalkooda, isagoo sheegay in barnaamijka baaritaanka ay ka faa’iideysan karaan dowladaha caalamka, hay’adaha caalamiga ah iyo cid kasta oo dooneysa inay wax u qabato ummadda Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, Cabdimaalik wuxuu sheegay isagoo ku hadlayay magaca ururka SYL San Diego in sababaha ay u yimaadeen Muqdisho ay tahay sidii ay wax uga bedeli lahaayeen fikirka dhallinyarada Soomaaliyeed; gaar ahaan sidii ay wadankooda ugu jiheyn lahaayeen nabadda iyo horumarka maadaama mudo 20-sano ah ay ku jireen dagaallo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya